Soomaali Laga Soo Tarxiilay Marayukanka

0
315

90 qof oo Soomaali ah iyo laba Kenyan ah ayaa laga soo mastaafuriyay dalka Mareykanka sababo aan kala caddeyn.

Dadkan oo laga soo dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli  Madaxweyne Donald Trump la filayo inuu saxieexo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax lagaga qabanayo dadka soogalootiga ku ah dalka Maraykanka ee sida sharci darrada ah ugu sugan waddankaas, oo ay ku jiraan dadka laga joojiyay  dal-ku-galka Maraykanka ee u  dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa warbaahinta  u sheegay in shalay  arroortii la keenay dadkaasi Soomaalida iyo Kenyanka isugu jira.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Kenya iyo Mareykanku ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo mastaafuriyay dadkaasi.

 

 

 

Leave a Reply