Tirada Dadka Derbi Jiifta Ingiriiska oo Kor u kacday

0
341

In ka badan 4,000 oo qof ayaa habeenkii u hoyda  derbiyada magaalooyinka dalka Ingiriiska taasoo ka dhigaysa in tirade darbi jiifka reer Ingiriis in ay korodhay 16%  intii ay ahaayeen sanadkii hore

Tirakoob ay samaysay waaxda qowmiyadaha iyo dowladda hoose, ayaa muujineysa in inka badan kala badh deegaannada England ay diiwaangeliyeen sare u kac dadka derbi jiifka ah, marka loo eego tirada dadkaasi ee sanadkii hore.

Dowladda ayaa sheegtay in ay ka go’antahay wax ka qabashada dhibaatadaasi, isla markaana ay ugu talo gashay  £550 milyan in wax lagaga qabto xaalada dadkaasi derbi jiifka ah ee kur u kacday gudaha  magaalooyinka dalka ingiriiska

Cilmi baadhis ay samaysay hay’adda St Mungo ee qaabilsan dadka hoy la’aanta ah, ayaa lagu ogaaday in afar ka mid ah tobankii qof ee derbi jiif ahiba in ay qabaan xannuunada dhimirka, halka tiro badan oo ka mid ah dadkaasi ay daroogada isticmaalaan.

Madaxa hay’adaasi, Howard Sinclair, ayaa sheegay in dhimidda dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso adeegyada dhimirku,in  ay gacan ka geysatay sare u kaca tirada derbi jiifta.

 

 

Leave a Reply