Khubarro Markii Ugu Horeysay Baadhitaano ku Samaysay Sababta Kaymaha Caalamka Qaarkood u Tirtirmeen

0
376

Khubarro ka socotay jaamacadda Arizona State University ayaa markii ugu horeysay in muddo ah baadhitaan ku samaysay sababta keentay in qaybo badan oo kaymaha caalamka kamid ahi u noqdeen kuwo qalalay ama lama degaan isu rogay.

Waxaanay khubaradani safaro ku tageen lama degaano kala duwan oo uu ugu weyn yahay lama degaanka ugu weyn ee loo yaqaano  Savannah , kuwaas oo sannado badan ahaa lama degaan laga hayaamay.

Waxaanay khubaradani sheegeen inay jiraan sidoo kalena degaano markii ay kaymihii ka dhamaadeen noqday dhul abaaro kusoo noq noqdeen, kuwaas oo ay sababta ugu weyn ku sheegeen cimilada is bedeshay ee caalamka, taas oo keentay in ay dhulkaasi noqdaan lama degaan u eke ama waxa loo yaqaano Semi Desert.

Dhulkan ayay khubaradani ku sheegeen in ay kumanaan sanno  ka hor ahaayeen dhul cagaaran, laakiin isbedelka cimiladu ka dhigay mid waqtigan laga degaan ah , halka kuwo kale oo badanina ay noqdeen lama degaan u eke .

Dadka ku noolaa degaanadaasi ayay khubaradani sheegeen inay waqtiyadii hore ahaan jireen kuwo ugaadhsada, iyada oo 9000 oo sanno ka hor ilaa 3000 oo sanno ka hor goobahani ahaayeen kuwo dirimaad ah , halkay maantana ka yihiin kulayl aan cidi ku noolaan Karin .

Qoraal dheer oo ay ku qoreen wargeyska Daily mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan ayay khubaradani ku sheegeen in dadkii goobahaasi ku noolaa ka tageen sannado badan ka hor .

Ilaa hadda khubaradani ma soo bandhigin wax cadaymo ah, inkasta oo ay weli wadaan qaybo kamid ah daraasada, haddana waxay ka dhigeen sababta lama degaanadan iyo abaaraha meelo badan oo caalamka ah kusoo noq noqda kuwo ka dhashay is bedelka cimilada.

 

 

 

Leave a Reply