Koonfurta Kuuriya oo Soo Saartay Tareen ka Dheeraynaya Codka dadka

0
376

Dalka Koonfurta Kuuriya ayaa soo saaray tareen aad u dheeraynaaya, kaas oo ay sheegeen inuu ka dheerayn karo codka dadka ,sidoo kalena meel walba oo loogu talo galay si fudud u gaadhaaya, isaga oo waqti gaaban ku tegaaya goobahaasi.

Saraakiisha shirkadaasi ayaa sheegay inay filayaan in uu tareenkaasi gaadhi karo ama jari karo masaafo dhan ilaa 620 mles saacaddiiba, isaga oo waqtiyo kala duwan ku maraaya wadankaasi Koonfurta Kuuriya meelaha loogu talo galay.

Waxa uu tareenkani laba jeer ka dheeraynayaa tareenada kale ee dheereeya waqtigana jira,waxaanu noqonayaa tareenka caalamka ugu dheereeya waqtigan.

Mid kamid ah khubarada shirkaddan oo ka hadlay tareenkan iyo siday doonayaan inuu u shaqeeyo ayaa sheegay inay rajaynayaan in uu si dhakhso ah u hawl galo tareenkani, isaga oo gaadhi doona magaalooyin kala duwan oo ka mid ah wadankaasi Kuuriyadda Koonfureed.

Waxa iyaduna kala shaqaynaysa hirgelinta tareenadan jaamacadda lagu magcaabo Hanyang oo ah jaamacadda ugu weyn dalkaasi , waxaana la rajaynayaa in balaadhin lagu sameeyo saddexda sanno ee soo socda.

Shirkadda oo qoraal dheer ku daabacday wargeyska Telegraph oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay tartan kula jiraan wadamo badan, kuwaas oo ay ugu horeeyaan wadanka Maraykanka, Canada iyo Chine , waxaanay sheegeen inay doonayaan in mustaqbalka ay isticmaalaan Technology ka heer sareeya ka ay hadda isticmaalayaan/

Fikirka samaynta tareenka ayaa la ikhtiraacay  bil ka dib markii daraasad laga sameeyey tareenkan ,taas oo lagu baadhaayey  sida u noqon doono tareenka mustaqbalku, iyada oo la eegaayey sida uu dadka rakaabka ah u gaadhsiin doono meelaha ay doonayaan , isaga oo ku socon doona waqti aad u yar.

Shirkadda Hyperloop One oo ka dhisan magaalada Los Angeles ee dalkaasi Maraykanka ayaa ahayd shirkaddii ugu horeysay ee soo saartay tareen noocan oo kale ah, taas oo ay ku guulaysteen inay soo saaraan tareenkaasi .

Dhanka kalena dawlada Imaaraadka ayaa heshiis la gashay shirkaddan, heshiiskan oo dhigaaya inuu muddo shan sanno ah ku samayso waddo isku xidhaysa magaalada Dubia iyo caasimada Abu Dhabi.

Leave a Reply