Suldaan ku Tilmaamay Shirkadda Telesom Marinka Cadowgu u soo Maro Somaliland

0
371

Hargeysa (Dawan)- Suldaan Saleebaan  Cismaan, oo ka mid ah madax-dhaqameedka Hargeysa, ayaa sheegay in shirkada isgaadhsiinta Telesom laga leeyahay dalka Soomaaliya, islamarkaana boqolkiiba konton ay ku leeyihiin  dadka reer Somaliland.

Sidoo kale Suldaan Saleebaan, waxa uu xusay in ay tahay shirkad kaliya ee uu ku soo dhex dhuunto cadawga Somaliland, waxaanu sidaas ku caddeeyay mar uu  u waramayay warbaahinta.

“Ninka la yidhaahdo ina Jimcaale ee reer Soomaaliya ee shirkadda Telesom  u soo dhex-maray reer Somaliland oo dhan boqolkiiba konton (50%) ayay ku leeyihiin, maska shirkada Telesom ku dhex jiraanna waa ninka reer Soomaaliya ee Ina Jimcaale. Ina Jimcaale iyo sida uu dadka ugu dhex nool yahayna dadku aqoon badan uma laha. waxbana kama yaqaanaan, waayo dadka reer Somaliland ee isticmaala adeegyada shirkada Telesom dadku waxaa ay u qabaan mid ay dad reer Somaliland ahi leeyihiin. ma oga in Soomaaliya laga leeyahay shirkadan isgaadhsiinta ee Telesom  oo lacagtaba ay Muqdisho u dirto,”ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaan Saleebaan oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray,  “Haddii maanta qaadhaan looga baahdo Telesom, Soomaaliya ayaa la innoo   soo weydiiyaa. markaa dadka reer Somaliland ee shirkadaha leh iyaga ayaa xaq u leh in lagu ixtiraamo wixii ka soo baxaya shirkadahood.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply