Booliska Gabiley oo ka Hadlay Askar Liyuu Booliis ah oo Gudaha Somaliland ka Geystay Falal Budhcadnimo ah

0
418

 “Waxay gudaha soo galeen 250mt waxaanay dadka ku baadhanayeen Gabro-haadley markii ciidanku gaadhayna rasaas ayay ka hor keeneen”

By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Wajaale(Dawan)- Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley,  Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamed Guutaalle,  ayaa madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya farriin u diray, kuna adkeeyay in  ciidankoodu uu ku ekaado xadka gudaha dalkooda ka dib markii askar  ka tirsan ciidanka Liyuu boolisku ay shalay gudaha u soo galeen Somaliland isla markaana falal baadhasho ah ka gaysteen deegaanka lagu magacaabo Garbo-haadley oo 4km  dhinaca galbeed ka xigta magaalada Wajaale.

Taliye Guutaale  waxa kale oo uu ka hadlay sida ay  wax uga dhaceen deegaanka Garbo-haadley oo 250 mt  u jirta soohdinta ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan. halkaas oo askar ka tirsan ciidanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Booliisku ay yimaadeen isla markaana ay dad ku baadheen iyo siday ciidanka booliska degmada Wajaale uga hawlgaleen.

 

Taliyuhu waxa uu sidaas  ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka telefoonka ku siiyay wareyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Wajaale. “Laba askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu booliiska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka (shalay)abbaaro sideeddii subaxnimo waxay u soo tallaabeen  gudaha Somaliland, waxaanay yimaadeen deegaanka lagu magacaabo Garbo-haadley oo ah meel ay ka furan tahay muqaaxi  oo ay dhawr sandaqadood ka dhisan yihiin isla markaana uu ku yaallo balli biyood oo laga cabbo.markii ay halkaa yimaadeen labada askari oo hubaysani dadkii ayay baadheen ka dibna waxay qayladii soo gaadhay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Wajaale waxaanu u diray ciidan iyo gaadhi,markii ay boolisku halkaa gaadheenna waxay labadii askari ciidanka ku bilaabeen oo ay ku soo rideen rasaas booliskuna wuu ka jawaabay halkaana waxaa ka dhacay   waxaanay xabadi ku dhacday oo dhaawacmay labadii askari ee Liyuu booliska DDSI ee soo tallaabay mid ka mid ah  kii labaadna wuu is dhiibay,kii dhaawacmay markiiba waxaanu u soo qaadnay Cisbitaalka Wajaale oo dawayn degdeg ah loogu sameeyay kii kale iyo labadii qori iyo booshashkii rasaasta ahaa ee ay siteenna waanu xidhnay.waxaanan soo war gelinay madaxda sare ee Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha oo aanu warka kala qaadanaynay,”ayuu yidhi Taliyaha qaybta booliska Gabiley.

 

Taliye Guutaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray markii intaasi ay dhacday ka dib in ay u yimaadeen madax ka socotay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo saraakiil  ka tirsan ciidanka Liyuu Booliiska oo ay isu raaceen goobtii ay labada askari ee dhanka Itoobiya ka soo tallaabay dadka ku baadhanayeen ee ay ciidanka isku heleen, waxaannu yidhi,   “Markii intaasi dhacday waxaa noo yimi oo Wajaale aanu isku aragnay madax ka socotay dawlad deegaanka  Soomaalida Itoobiya oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan  ciidanka Liyuu booliisku waxaanan wada tagnay goobtii ay  wax ka dheceen oo ay qasharadii rasaastu yaallaan ee ninku kaga dhaawacmay markii ay xaqiiqsadeen in gudaha Somaliland falku uu ka dhacay, raali galin ayay  ka bixiyeen qaladkoodiina way qaateen.  waxaanay naga codsadeen in aanu labada nin iyo qoryahoodaba ku wareejino,annaguna waanu ka diidnay oo waxaanu ku nidhi ninka dhaawac ah qaata ninka kale iyo qoryahana waanu haynaynaa inta arrinta madaxda naga saraysaa iyo madaxdiinu ay ka wadahadlayaan taana waanu isku mari waynay kadib waxaanu soo war galinay taliska guud ee booliska iyo wasaaradda arrimaha gudaha waxaanay iska arkeen madaxda Safaaradda Itoobiya ee Somaliland joogta muddo markii aanu ku adkaysanaynay in aanu haynayno ninka xidhan iyo qoryaha ka dhaawaca ahna ay qaataan ee ay iyaguna diideen ee ay ku adkaysteen in lagu wada wareejiyo,ayay madaxda ciidanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo safaaradu ka wada hadleen ugu dambayna waxaanu ku wareejinay labadii nin iyo qoryahoodii sidaas ayay ku dhammaatay goobtii ay askarta Liyuu boolisku wax ku baadhanayeenna waxaanu gaynay ciidan jooga oo imika ku sugan xaaladuna way degan tahay.”

 

Waxa kaloo  uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo ka gobolka Gabiley iyo gobolka ay deriska yihiin ee Jigjiga ay wadaagaan iyo sida ay lamaa maarmaanka u tahay in  nabadgelyada la wada ilaaliyo oo ciidan kastaaba uu ku ekaado gudaha dalkiisa. “Somaliland iyo Itoobiya waxay wadagaan  oo ka dhexeeya xidhiidh dhow oo walaalnimo  iyo isu socod ganacsi iyo mid dad labadaba. markaa waxaan u soo jeedinayaa madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya in ay taa ilaaliyaan oo ay waliba ciidanka Liyuu booliiska wax ka qabtaan, ciidankaas oo xadkayaga ku socod badan oo iska soo gala kuna soo xadgudba waxaanan leeyahay nabadgelayda labada dal yaanu waxyeelayn ciidanka Liyuu booliiska  oo ha ku ekaado gudaha Itoobiya oo yaanay dhicin in uu mar dambe faro galin ku soo sameeyo gudaha Somaliland. Ciidanka booliska Somaliland-na kama waabanayaan in ay sugaan nabadgelyada dalka iyo ammaanka muwaadiniinooda,”ayuu yidhi Taliye Guutaalle.

 

Leave a Reply