Faraaciyiintii hore ee reer Masar aya mudo aad u fog lacag ahaan u isticmaali jireen walxo ka samaysan biraha qaaliga ah ee ay adagtahay in cid waliba si fudud oo dhib yar u heli karto, ama u samaysan karto, sida Dahabka, Silverka iwm. Kuwaasi oo isla mar ahaantaana ahaa qaar la wada leeyahay oo Ummada oo dhan ka dhexeeyey, qiimahooda lacagnimona uu ahaa mid heshiis lagu yahay oo cid waliba ku qanacsan tahay, isla markaana lahaa cabir la isla yaqaaney oo lagu qiyaasi jirey ama lagu xisaabin jirey.
Buuga la yidhaahdo (KHUDUD ARA’ISIYA LI-IQTISAAD) ee uu qoray “Dr Mohamoud Asucud” iyo qaar kale oo ka mid ah buugaagta laga qoray lacagta iyo taariikhdeedu ayaa waxa ay iyana cadeeyeen in xiliyada qaar lacagtu ahaan jirtey Dhagxaanta iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin Dhoobada iyo Lo’da oo ay bulshooyinka dunida qaar ka mid ahi badeecadaha ku kala bedelan jireen. Iyada oo uu mar walba waxyaabaha lacag ahaanta loo isticmaalayey ahaayeen kuwo la isla wada ogolaa qiimahooda iyo in wax lagu kala bedeshoba.
Kolka ay lacagta iyo taariikhdeeduba sidaas yihiin waxaa halkaas inooga cad oo aynu si fudud u dareemi karnaa in lacagtu mar walba ahayd mid la jaanqaadaysay isbedeladii nololeed, ilbaxnimo iyo taariikheed ee uu Aadamahu soo maray mudadii uu ku uumanaa dunida guudkeeda. Waxa kale oo ay dhacdooyinka iyo taxanaha taariikheed ee lacagtu soo martay si gaar ah inoo barayaan in shay kasta, adeeg kasta iyo wax kasta oo ay bulshadu lacag ahaan u isticmaalayso looga baahan yahay inuu ahaado mid ummadda ka dhexeeya oo aanay cidina gaar u lahayn, isla markaana heshiis lagu yahay oo dadka isticmaalayaa isla wada ogol yihiin qiimahiisa iyo sharcinimadiisaba.
Balse hadii uu shayga ama adeega lacag ay bulshadu lacag ahaanta u isticmaalaysaa noqon waayo mid sidaas oo kale ah oo dadku wada leeyahay, qiimahiisa iyo sharciyadiisana la isla ogyahay oo heshiis lagu yahay shaygaas ama adeegaasi ma noqonayo mid qiimo leh oo sharciyad ku dhisan, isla markaana lacag ahaan loo wada isticmaali karo.
Arintaasina waa sababta keentay in ummadaha kala duwan ee caalamka oo dhami isku raacaan in dalkasta oo dunida ka tirsan xukuumadiisu tahay ta keliya ee sharci ahaan awooda u leh inay iyadu samayso lacagta dalkeeda lagu isticmaalayo, isla markaana jaangoyso qiimaha rasmiga ah ee yeelanayso lacagta dalkeedu iyada oo taas ku salaynaysa, una eegaysa arimo faro badan oo ay ka mid yihiin khayraadka dabiiciga ah ee wadankeedu inta uu le’eg yahay, heerka uu dhaqaale ahaan iyo wax soo saar ahaan dalkeedu ka taagan ka taagan yahay dunida inteeda kale, sida ay wadamada kale ee caalamku ugu baahan yihiin isticmaalka lacagta dalkeeda iyo guud ahaanba waxyaabaha kale ee ay lagama maarmaanka tahay in la tixgelyo marka wadan lacag loo samaynayo, ama la go’aaminyo qiimaha lacagta wadankaasi yeelanaysaa.