Qaabilaada Itoobiya ee Danjire Cali Shoombe Waa Ifafaale Cusub oo Diblomaasiyadeed

0
398

By: Maxamuud Walaaleeye

Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu  ayaa waraaqahii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalkaa Amb. Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe), waa  talaabo muujinaysa isbedel horumar oo ku yimi xidhiidhka labada wadan. Waana ifafaale cusub oo diblomaasiyadeed oo ka turjumaya baaxada iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dawladood.

Qaabilaadii Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Gebeyehu oo doraad kaga gudmoonay waraaqahii aqoonsiga safiirka cusub ee Somaliland u magacowday dalka Itoobiya Amb. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) ayaa muujinaysa sare u kaca xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, oo isbedel weyn ku yimi tan iyo mudadii uu xilka wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland qabtay Dr. Sacad Cali Shire, maadama ay noqotay markii ugu horeysay ee wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya ka gudoomo waraaqaha aqoonsiga safiir Somaliland u magacowdo dalka.

Kulanka Safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Cali Shoombe maalintii koowaad la yeeshay Wasiir Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Gebeyehu  oo goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire oo ka dambeeyey dedaalo safiir-xigeenka safaarada Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye ka geystay sii diyaarinta balankiisa, ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, iyo sidii loo horumarin lahaa, siduu wargeyska Dawan u xaqiijiyey Mr. Ayaanle Salaad Diiriye.

Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland oo dhowaan madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u magacaabay xilkaa ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya ka gudoomo waraaqahiisa aqoonsiga.

 

Leave a Reply