Wasiirro ka Digay Isticmaalka Baasaboorka Soomaaliya ee Lagu Sameeyo Somaliland

0
407

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inaan lagu safri karin baasaboorka Soomaaliya oo ee lagu sameeyo gudaha Somaliland. Arrintan ayaa daba socotan qaraar ay hore uga soo saartay xukuumaddu oo ay ku   mamnuucday in lagu socdaalo oo dalka lagaga baxo baasaaboorka Soomaaliya ee lagu sameeyo gudaha dalka, waxaana sidaas lagu sheegay shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Duulista Hawadda, Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Md. Farxaan Aadan Haybe, waxaanay shirkadaha diyaaradaha iyo wakiilladoodaba uga digeen inay tigidhka ugu jaraan baasaboorka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) isaga oo qaraarka ay ka soo saareen arrintan ka hadlayay wuxuu yidhi,  “Gabi ahaanba waa   la joojiyay qaadashada iyo ku safarka baasaaboorka Soomaaliya ee ay ku qoran tahay in lagu sameeyay gayiga Somaliland  laga bilaabo  bishan January 2017-ka sidaas darteed dhammaan shirkadaha safarka iyo diyaaradaha iyo kuwa Travel Agency-ga la yidhaahdo, kuma jari karaan tigidh, amase baasaaboorka aan kor ku soo xusay ee la mamnucay isticmaalkiisa. Dhammaan laamaha socdaalka iyo amniga waxaa la faraya inaan baasaboorkan  dalka lagu soo gali karin lagagana bixi karin sidaasi ayaana la ogeysiinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee madaarrada iyo meelaha kaleba waxa  kale oo la ogeysiinaya inaanay diyaaradaha iyo kuwa Travel agency-ku aanay tigidh ku jari Karin baasaaboorka”

Sidoo kale Wasiirka Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka, Md. Farxaan Aadan Haybe oo  shirkaas jaraa’id  ka hadlay waxaanu yidhi,  “Waxaynu og nahay go’aankaasi hore xajkii hore duruufta uu keenay ee uu ku keenay xujeyda amase dadka cumrada tagaya amase dadka kale caafimaadka doonaya, waxaanay u muuqata baasaboor aan keena aheyn oo dal kale leeyahay inaanay daruuri aheyn, kana hor imaneyso jiritaanka iyo qawaaniinta iyo mabaadiida u yaalla dalkeenna, waxaa mamnuuca baasaboor dal kale leeyahay oo lagu sameeyay dalkeenna gudihiisa, sababta aanu bishan uga dhignaynaa waxaa ay tahay inaanay dadka dhib ku noqon kuwii qaatay, waxana dambi noqoneysa haddii shirkaduhu ay tigidhka ku jaraan baasaboorka lagu sameeyay gudaha dalka Somaliland.”

“Sidoo kale waxaanu culimada iyo dadka xajka tagaya ka codsanaynaa imika ayay wakhti haystaane oo hadhaw aanay madaarka noo soo tubmin sidii barigii dhaweyd dhacday ee ay dalka dibadiisa uga soo qaadan lahaayeen baasaaboorkaasi ay ku dhoofayaan ee ay wadanka kaga baxayaan sida Soomaaliya oo kale,”ayuu yidhi Wasiir Farxaan Aadan Haybe.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply