Xildhibaanno Xukuumadda ugu Baaqay in Tallaabo Laga Qaado Ganacsatada Kaalinta ku Leh Sicir-bararka ka Taagan Dalka

0
427

“Waa  in laga joojiyaa  doolar-ka gabi ahaanba  Zaadka iyo Edahab-ka  oo lagu  isticmaalaa shilinka Somaliland”

Xildhibaan Mahdi Maxamuud

“Waa   in xukuumaddu   si deg-deg ah  noogu soo   gudbiso    sharciyadii wax lagaga qaban lahaa qofka dambiilaha ah ee  ku lug leh sicir bararka”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

 

Hargeysa(Dawan)- Xildhibaanno   ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland, ayaa  ku baaqay   in talaabo sharciga waafaqsan  laga   qaado ciddii u hoggaansami wayda go’aamadii  xukuumaddu  ka soo saartay  xakamaynta  sicir bararka iyo Zaadka iyo E-dahab-ka ee lacagaha la iskugu xawilo telefoonnada gacanta oo la xididay.

 

Xildhibaan    Mahdi    Cabdilaahi Maxamuud iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise iyo Cabdraxmaan Cismaan Caalin oo  si gooni gooni ah  ugu waramay wargeyska Dawan,  ayaa ku tilmaameen tallaabo loo baahnaa go’aamadii xukuumaddu ka soo saartay  xakamaynta sicir-bararka iyo sarif bararka,waxaanay  sheegeen qiimo dhaca shilinka Somaliland ay keentay isticmaalka  Zaadka iyo E-dahab-ku.

Mudaneyaashu waxay intaas ku dareen  in xukuumadda looga  fadhiyo  in si degdega ay u fuliso go’aamadaas qiimaha loogu yeelay shilinka Somaliland ee duulaanka lagu yahay.

 

Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud oo ugu horayn ka hadlayay talaabooyinka  xukuumaddu  qaaday, waxa uu yidhi,  “Waan   ku   taageersanahay   Xukuumaddu in si deg-dega   ay wax uga qabato sicir-bararka. Xukuumaddu      iyada ayaa    dadka  ka masuul ah,  waayo shacabkii way bakhtiyeen raashinkii ayaa sare u kacay, iyadoo dadkii abaaro haystaan oo xoolihii laga joojiyay in ay sii baro-kiciyaan   dadka Zaadka iyo E-dahab ee duulaanka ku ah bangigii dhexe ee dawladda.

Waa in xukuumaddu maamushaa  lacagta Somaliland   golaha Wakiilladana  waa in  shirkadda Telesom    iyo   Somtel  waa dad aan dadkooda u naxayn oo bilaa naxariis ah  oo aan hoos u eegayn. xukuumaddu waa in ay talaabo adag ka qaado  oo ay ku dhiirato go’aankan ay ku xakamaynayso sicir bararka shacabkeeduna wuu raacsan yahay,waxaanan  leeyahay waa  in laga joojiyo doolarka gabi ahaan Zaadka iyo Edahab-ka  oo la isticmaalaa shilin Somaliland,  innagu ma Maraykan ayaynu nahay ganacsatadanna  waa in lagu amraa in dadka wax kaga iibiyaan  shilinka Somaliland  waayo dal baynu nahay oo lacag ayaynu leenahay konton kun oo kaash ah oo shilin Somaliland ahi  guri uu yaallo lama soo helayo.”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, ayaa isaguna sheegay in lacagaha la iskugu diro Telefoonku ay meesha ka saareen isticmaalkii lacagtii dalka, waxaanu yidhi, “Talaabadan ay xukuumaddu qaaday ee ay ku xakamaynayso  sicir bararku waa go’aan aad loogu baahnaa  dhibaato badan ayaana shacabka ka soo gaadhay sicir-bararka iyo sarif bararka is huwanaa keeneen,sharcigana cid  ka  weyni   ma jirto    walaa   Zaadka iyo E-dahab-ka  shacabkana wixii ku dhibaato ku haya,  xukuumadda ayaa u xil saaran in ay ka ilaaliso qaraarkaas dawladdu  waa in uu fulaa.

Zaadka iyo E-dahab, waxa ay suuqa ka saareen shilinka Somaliland  isticmaalkiisii,xukuumaddu waa in aanay u jixin jixin  dhaqdhaqaaq kasta iyo wax kasta oo ay sameeyaan shirkadahaa lacagta ka baayac mushtareeya haddii ay xukuumadda ka hor yimaadaanna waa in talaabo sharciga waa faqsan laga qaado. sicir bararka iyo qiimo dhaca shilinka  Somaliland   wuu saamaynaa Zaadka iyo E-dahab lacagtii jeebada lagu sidan lahaa ayaa Zaadka iyo E-dahab lagu shubanayaa.”

 
“Markaa lacagtii wareegi lahayd  ee wax lagu iibsan lahaa ayaa lacag hawada ah wax lagu iibsanayaa,markaa qayb ayay ka yihiin qiimo dhaca   shilinka Somaliland Zaadka iyo E-dahab, golaha wakiillada waxa aanu keenaynaa marka uu furmo  mooshin lagu xoojinayo qiimaha shilinka Somaliland  iyo wax ka bedalka isticmaalka Zaadka iyo E-dahab si uu goluhu u xoojiyo  talaabooyinka xukuumaddu qaaday ee lagula    dagaalamayo  sicir-bararka,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Ciise.

Xildhibaan   Cabdiraxmaan Cismaan Caalin  (Cabdiraxmaan Dheere) oo aanu isagana wax ka weydiinay  tallaabada xukuumaddu qaaday ee xakamaynta sicir-bararka, waxa uu yidhi, “Arrin wanaagsan ayay ahayd    go’aankii  xukuumaddu  ka gaadhay sicir bararka  oo ahayd mushkilad caam ah  oo ina soo wajahday.   sicir bararka iyo sarifka doolarka ee  kor-u kacay oo ahayd aafo qaran,waan  soo dhawaynayaa    go’aan kaas    laakiin   go’aanka  la gaadhaa  haddii     aanu     dhaqan gelin   qiimo  mayeelanayo .waxaan leeyahay    go’aamadii hore yaanu la mid noqon go’aankani,waana  in xukuumaddu   si deg-deg ah  noogu soo   gudbiso    sharciyadii wax lagaga qaban lahaa qofka dambiilaha ah ee  ku lug leh sicir bararka hadii loo raacayo xeerarka jira iyo haddii  xeer cusub   loo samaynayo.”

 

“Waa  in jihaad dhab ah  lala galo shirkadaha iyo ganacsatada ka masuul ah sicir bararka,  waana in sidii baanka dhexe doolar loogu samayn lahaa  falowgeed la qabtaa.  maalin danbe waxba lagama qaban karayo haddii maanta  wax laga qaban kari waayo golaha wakiilladu qaybtiisa wuu qaadanayaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Xildhibaanku waxa kaloo uu tallooyin u jeediyay xukuumadda iyo Baanka dhexe, waxaanu yidhi,  “Zaadka iyo E-dahab,  waa waxa keenay sicir bararka iyo sarifka kor u kacay  ee    abaarta  lacagta  Somaliland  keenay, ganacsadaha   fulin  waaya  go’aamadaas  waa in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado,waayo mudnaanta   waxa leh ummada  oo ah inta badan  faa’iidada  soo gasha in yar waxba ina tari mayso,wixii iib galayana waa  in lacagta Somaliland lagu bixiyo,  xukuumadana   waa in  lacagta shilinka Somaliland ay   ka baxdo, baanka dhexena waa in lacag    doolaar ah oo uu leeyahay oo  uu wax ku sarifo uu leeyahay oo uu ku dabaalo baahida dalka  ee doolarka,waana aynu samayn karnaa  boqol milyan oo doolar oo baanku leeyahay,   waana in baanku wax sarifo oo muddo saddex bilood ah uu bixiyo doolarka oo uu qiimahana  u gooyaa sarifka lacagaha qalaad.”

Leave a Reply