Guddoomiyaha Awdal oo ka Hadlay Xadhiga Maayar ku-xigeenkii Hore ee Boorame

0
374

Boorame(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Awdal, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa ka hadlay xadhigga Maayar ku-xigeenkii hore ee degmada Boorame Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste)  oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Boorame  oo shalay ciidanka boolisku xidheen, ka dib markii  Maxkamadda degmada Boorame ay u soo qortay waaran soo qabasho ah.

 

Guddoomiyaha Awdal, ayaa intaa ku daray in xadhigiisu la xidhiidho hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland oo xildhibaanku ka sheegay shir jaraa’id oo dorraad uu ku qabtay magaalada Boorame isla markaana ku dhaliilay ciidanka booliska iyo sidii ay uga difaaceen askartii Liyuu booliiska ahayd ee gudaha Somaliland falalka baadhashada ah ka geysanayay ee ay tallaabada ka qaadeen.

 

Guddoomiye Shiine, waxa kale oo uu intaa ku daray in Maayar ku-xigeenkii hore ee Boorame in uu gef ka galay qaranimada Somaliland oo uu nabadgelyada dalka ka dhigay mid ay masuul ka yihiin oo ay ilaaliyaan ciidanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu booliisku isla markaana ay iyagu masuul ka yihiin nabadgelyada dadka iyo deegaanka gobolka Awdal.taasoo meel ka dhac ku ah qarannimada Somaliland.

 

“Xildhibaanku sharciga kama weyna qof kasta oo reer Somaliland ahna sharcigu wuu qabanayaa xadhigiisana Maxkamad ayaa soo amartay ka dib markiii uu qaranimada Somaliland ka dhigay mid aan jirin oo nabadgalyadeeda ay ilaaliyaan Liyuu booliisku. waxa kaloo  uu fidmo ka dhex waday gobollada Awdal iyo Gabiley iyo in uu ciidanka booliska Somaliland gef kula kacay oo u aflagaadeeyay.waxaa kale oo uu booliska ku aflagaadeeyay sidii ay uga hawl-galeen Liyuu booliskii soo galay deegaanka Gabro Haadlay,” ayuu yidhi Guddoomiye  Mustafe  Shiine oo xalay u warramay  wargayska Dawan.

 

Dhinaca kale xildhibaanka shalay maxkamadda  Boorame amartay xadhigiisa ayaa si qarannimada ka baxssan u weeraray ciidanka booliska iyo ciidanka qaranka ee heeganka ugu jira xilli kasta sugidda amniga dalka iyo dadka waxaanu si aan gabbasho lahayn shir jaraa’id oo uu Boorame ku qabtay ugu sheegay in nabadgelyada gobolka Awdal ay ilaaliyaan oo ay sugaan ciidanla Liyuu booliiska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ciidan ku sugan gudaha Somaliland oo ha hawlgala degmooyin ka tirsan gobolka Awdal. Taasi oo waxba kama jiraan ah.

 

 

“Degmada Idhanku waxa ay nabadgelyada kala xaalaan ee  maalin kasta iyo bil kasta ay ka wada hadlaan ee u soo gurmada waa ciidanka Liyuu booliiska oo haddii laba qof ama laba xaafadood ay isku dhacaan u yimaadda oo nabadgelyadooda suga,”ayuu yidhi Xildhibaanka la xidhay oo ammaanka Somaliland ku sheegay in ay masuul ka yihiin oo ay sugaan ciidan dal kale leeyahay taasoo ah dambi qaran oo aad u wayn oo uu dalka ka galay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply