Somaliland oo Sheegtay Inay Awood u Leedahay Maareynta Hawadeeda

0
361

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada iyo Gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland, Mr. Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aanay wax shaqo ah ku lahayn maamulka hawadda sare ee Somaliland. Isla markaana ay ka xukuumad ahaan awood u leeyihiin maareynta hawadda sare ee dalkeeda.

Farxaan Aadan Haybe, waxa uu sidaasi sheegay kadib mar uu shalay hortagay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, isaga oo kulankaaasi ka dib warbaahinta la hadlay, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay awood u leedahay in ay hawadeeda maamulato.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in gooni isu taaga qadiyadda Somaliland iyo maamulidda haweedunu ba ay yihiin mid muqadis ah, isaga oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Been ayay sheegeen Soomaaliya hadii ay yidhaahdeen anagaa maamulna hawada Somaliland. maamul hawo oo ay gacanta ku hayaana ma jirto, maamulka hawada Somaliland waxa gacanta ku haysa oo maamusha hay’ada ICAO oo aduunku u igmaday in ay maamusho hawada. go’aan keena gooni isu taaguna waa muqadas, waxa jiray shir lagu qabtay Hindiya oo lagaga tashanayay in hawada Soomaaliya loo qaybiyo wadamo geeska Afrika ah iyo aduunka kale oo ay ICAO soo jeedisay taas ayay wax ka qaban lahaayeen oo ay odhan lahaayeen anaga nagu soo wareejiya ha qayb qaybininee.”.

Wasiirku waxa uu sheegay in hay’ada ICAO ay ka wada socdaan maamulka hawada sare, waxaana uu xusay in ay la socdaan diyaaradaha soo gala hawada Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “haddii ka Somaliland ahaan ay tahayna waa ku dadaalnay sidaa hawshaa aanu wax uga qaban lahayn. Hay’adda ICAO waanu ka wada soconaa maamulka hawada sare iyo xaqeena aynu leenahay, imikana waa la soconaa wixii diyaarada ah ee hawada Somaliland soo gala, haddii dariiqad sax ah la waayo Somaliland way samayn karaysaa awoodna waa ay u leedahay in ay hawadeeda maamulato.”.

 

 

 

Leave a Reply