Culimada Caafimaadka Ilkaha Oo Soo Saaray Waqtiyada Ugu Wanaagsan Ee La Cadayi Karo Ilkaha

0
415

Culimada ku takhasustay caafimaadka ilkaha ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku sheegay inay jiraan laba waqti oo aad ugu fiican in la cadayo ilkaha, labadaas oo kala ah , waqtiga subaxdii iyo waqtiga gelinta dambe.

Waxa kale oo ay sheegeen in waqtiga ugu wanaagsani yahay marka la cunteeyo , iyada oo ay waqtigaasi jirto cunto ku hadha ilkaha iyo ciridka, taas oo abuuri karta Bakteeriya ku dhalata ilkaha waxyeelona soo gaadhsiin karta.

Khubaradan oo u dhalatay wadanka Maraykanka ayaa qormadan ku daabacay wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in qofku markasta oo uu tooso uu cadaydo, sidoo kalena markasta oo uu wax cuno lafteedana uu cadayan karo.

Waxaanay khubaradan ka socotay maxadka Guud ee dhakhaatiirta Ilkaha wadanka Maraykanku sheegeen in loo baahan yahay in laga ilaaliyo ilkaha waxyaalaha waxyeelada soo gaadhsiinaaya, gaar ahaana cuntooyinka oo ay sheegeen inay keeni karaan inay ku jiraan ilkaha muddo dheer, taasina ay keento inay ilkuhu xanuuno bakteeriya keentay kala kulmi karaan .

Cuntada ayay sheegeen inay ka kooban tahay waxyaalo Acid leh, taas oo ah khatarta ugu badan ee soo food saari karta  ciridka iyo ilkaha labadaba, waxaanay kula taliyeen in la cadaydo 20 minutes ka dib marka wax la cuno.

Waxa kale oo ay ku taliyeen in aan la isticmaalin dawada cadayga xadi badan, madaama oo uu ka kooban yahay maadooyin badan oo kimikaal ah, waxyeelona keeni karta.

Leave a Reply