Roberto Firmino oo Maxkamadi ku Xukuntay in aanu Gaadhi Kaxayn karin iyo Ganaax Lacageed

0
368

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Roberto Firmino,ayaa lagu xukumay in aanu gaadhi kaxayn karin muddo sanad ah isla markaana lagu xukumay ganaax lacageed ka dib markii lagu helay in isagoo sakhraansan uu gaadhi kexeeyay habeenkii uu soo galayay sanadka cusub ee 2017-ka.

maxkada Liverpool Magistrates’ Court,ayaa xukunkan ku ridday  kadib markii lagu soo dacweeyay inuu gaadhi kaxeeyay  isaga oo khamri cabsan maalintii sanadka cusub ee 2017. Booliiska magaalada Liverpool ayaa 25 jirkan ku joojiyay wadada Strand Street isaga oo cabsan isla markaana watay gaadhigiisa Range Rover-ka ah waxaana markaas lagu soo dacweeyay danbi ah in uu gaadhi kaxeeyay isaga oo cabsan oo aanu maankiisu taam ahayn.

Maxkamada  Liverpool Magistrates’ Court ayaa shalay  dhegaysatay dacwada loo haystay xidiga reer Brazil  waxaana ku cadaaday danbiga loo haystay ee ahaa in uu gaadhiga waday isaga oo cabsan. Laakiin qareenka u doodayay Roberto Firmino iyo dadkii kale ee difaacayay ayaa sheegay in xidiga reer Brazil uu sidan u sameeyay si uu awood dheeraad ah ugu yeesho tuug gurigiisa jabsatay isla markana alaab qaali ah ka xaday.

Roberto Firmino ayaa lagu xukumay in aanu muddo sanad ah gaadhi ama baabuur kaxayn karin iyada oo sidoo kale lagu ganaaxay £20,000 kun oo gini. Markii ay maxkamadu soo xidhantay ayuu xidiga reer Brazil ee Roberto Firmino raali galin ka baxiyay danbiga lagu helay. Roberto Firmino iyo qoyskiisa ayaa ka soo xaadiray dhegaysigii dacwada xidigan loo haystay.

Waxaana qoraalka uu Firmino raali galinta ku bixiyay lagu yidhi: “Raali galin ayaan ka siinayaa kooxda, tababaraha, ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay iyo taageerayaasha in aan xaaladan naftayda dhigay. Waxaan sameeyay waxa uu ahaa wax qalad ah waxaanan sameeyay tusaale xun. Qof kasta oo qoyska Liverpool ah waxaan u balan qaadayaa in aan wax ka baran doono qaladkan iyo khibrada aan ka bartay mana soo noqon doonto mustaqbalka”.

 

Leave a Reply