Dagaalkii weynihii labaad, Sanadkii 1942, sarkaal ka tirsan dawaldii Naasiga ahayd ee Hitler oo la odhan jiray Bernhard Kruger ayaa keenay fikradda ah in la sameeyo lacag been abuur ah oo Giniga Ingriiska si loogu curaayimiyo dhaqaalaha Ingiriiska. Sarkaalkan aya Jeelashii ku yaalay xeryihii ciidamada ee Hitler gaar ahaan xabsiga Auschwitz ka soo ururiyay 140 qof oo Yuhuud ah oo foojariistayaal ahaa (counterfeiters) aadn u yaqaanay samaynta waxyaalaha aan asalka ahayn (Faalso).
Waxa kale oo uu ku soo kordhiyay koox kale oo iyana aan Yuhuud ahayd lakiin aqoon u leh Foojariga. Kooxhan ayaa la siiyay dhamaan wixii ay ka samayn lahaayeen lacagtaasi been abuurka.
Waxayna kooxdani ku guulaystay inay soo saarto noodhadhka giniga ah oo u eeg lacagta asalka ah ee Ingriiska gaar ahaan £ 5, £ 10, 20 iyo £ 50 oo faalso ah. Waxaana la geliyay malaayiin pound suuqyada caalamka si loogu khalkhal geliyo dhaqaalaha Ingiriiska. lacagataasi lagama garan jirin tan asalka ah ee Ingriiska.
Warbaahinta dunida aya iyana lacgatasi ku soo bandhigtay riwaayado iyo bandhigyo kala duwan. Waxaana ka mid ahaa Filim caan ah oo lagu sameeyay Austrai 2007. Jarmalka ayaa soo saaray lacag gaadhaysa £ 810, 610, 134 oo Pound. Samaynta Lacagahaasi Foorjariga ah aya iska sii socday ilaa wakhtiyo danbe.
Lacagta ayaa faalso noqonaysa (Noodh , Qadadiic, Electronig) marka ay suuqa soo gasho laguna isticmaalo iyadoo halka ay ka bilaabanto iyo halka ay ku dhamaanaysaa noqonayso kuwa sameeyay Baankii iyo Dawladii aanay saamayn ka ahayn.






















