TELESOM oo Jabisay Go’aankii Xukuumadda ee Lagu Mamnuucay Baahinta Xayaysiisyada Goobaha Caafimaadka

0
314
  • Telesom waxay qaab laba wajiileyn ah uga madax gadanaysaa fulinta go’aankii dawladda ee suulinta sicir-bararka
  • Xayaysiiskii u dambeeyay ee sharci darro ah ee TELESOM baahisay iyo macluumaadkii uu xambaarsanaa
  • By Saciid Cagjar

    Hargeysa(Dawan)- Shirkadda TELESOM, ayaa burisay  go’aankii ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay shirkadaha isgaadhsiinta kaga joojisay baahinta xaysiisyada  caafimaadka, waxaaney dib u bilaabeen  baahinta xayaysiisyada Rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay oo ahayd baahintii laga mamnuucay, waxaanay tallaabadan sharci darrada ah ku kalifay shirkadan macaash doon.

     

    12-kii Bishii December 2016-kii,  ayuu Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) uu go’aan ka soo saaray baahinta Xayeysiisyadda caafimaad ee  ka baxa  telefishanadda, jaraa’iidadda, idaacadaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta.

    Wasiirka Caafimaadku wuxuu qoraalkiisa ku yidhi, “Xayeysiisyada  caafimaadka  ee ka baxa telefishanadda, wargeysyadda, idaacadaha iyo fariimaha telefoonadda ee shirkadaha isgaadhsiinta  waa in la joojiyo, haddii aanu xayeysiiskaasi  rusqad ka haysan wasaaradda caafimaadka.”

    Shirkadda  TELESOM ayaa jabisay amarkaas ka soo baxay wasaaradda caafimaadka, waxaanay macaamiisheeda isticmaala telefoonada gacanta ay u dirtay  xaysiisyada goobo  caafimaad, taasi oo ay iskaga indho tirayso go’aamada xukuumadda.

    Fariintii ugu dambaysay ee ogaysiis caafimaad ah oo ay Telesom baahisay 10:00 subaxnimo ee  Salaasadii toddobaadkan, waxay u qornayd, “Bilaal Pharmacy Burco waxaa shaqada ka bilaabaya 04/02/2017 (Sabtida)

    Dr. Maxamed Cismaan Ciise oo ka imanayaa Diri-dhaba (Ethiopia) khabiirna ku ah cudurRada Roomatiisanka , jilib xanuunka, curuuqaha , neerfaha, gasteriga iyo cudurada guud kala xidhiidh.”

     

    Sidoo kalena, waxay Telesom shaqadii ka qaaday warbaahinta curdinka ah ee dalka, iyadoo kula tartanta xayaysiisyada oo aan ku jirin adeegyadii dawladdu ku siisay ruqsada ganacsiga.

    Geesta kalena, ilo looga qaateen ah oo ka ag dhow shirkadan, ayaa sheegaya in TELESOM, ay ku hawlan tahay tallaabo ay kaga galgalanayso inay si dhab ah u dhaqan geliso go’aankii shacbigu u guuxay ee lagu amray inay adeegooda ZAAD-ka ka saaraan seerfarkooda wixii ka yar $100. Inkasta oo ay shirkadaasi dhawaan ku dhawaaqday inay fulinayso go’aamadii xukuumadda, hase yeeshee marka la booqdo xarumaheeda kama muuqato ifafaale ay ugu diyaar garoobeen inay ku dhaqan geliyaan qaraarka dawladda.

    Waxa kale oo suuqyada magaalooyinka laga dareemayay in suuqyo qarsoodiya halka doolar lagu kala sarifanayo 8200  Sl Sh. waxase dadweynuhu u dheg taagayaan sida xukuumadda Somaliland uga soo dhalaasho inay ficil u rogto hindisaheeda ay ugu danaynayso danyarta isla markaana lagu suulinayo sicir-bararka iyo sarif bararka is barkaday.

Leave a Reply