Duqaynta Suuriya ka Socota oo Biyihii ka Jartay Magaalada Raqqa

0
321

Magaalada Raqqa ee Suuriya oo fadhiisin u ah kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa lagu soo waramayaa in biyihii laga jaray.

Dhuuntii ugu waynayd ee biyaha magaalada geynaysay ayaa sida ay sheegeen dad ololeeya oo ka soo horjeeda Daacish waxa dhaawac gaadhsiiyey diyaaradaha Maraykanka ee duqaynayey.

Fallaagada Suuriya ee ay taageerayaan xulufada Maraykanku hor kacayaa ayaa guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada ku haya Raqqa.

Ururka dadka rayidka ah ee internet-ka qoraallada ku baahiya  ayaa sheegay in duqaynta lala beegsaday kaabayaasha adeegyada bulshada.

Waxaanu ururkaasi sheegay in mid ka mid ah biriishyadii magaalada isna la dumiyey.

Ciidamada Maraykanku waxay la shaqaynayaan koox fallaago Suuriyaan ah oo Kurdiyiintu hormuud u yihiin oo la yidhaa Syrian Democratic Forces oo doonaya inay jabiyaan Daacish.

Bishii Noofamber ayaa xulafadu waxay sheegeen in ay bilaabeen hawlgal dib loogu qabsanayo Raqqa, oo kooxda jihaad alooska ahi gacanta ku haysay ilaa bishii Jeeniweri ee 2014.

Maraykanku wuxu isna bishii Diisember shaaciyey in ay 200 ka tirsan milatariga ay u dirayaan halkaa si ay uga qayb qaataan hawlgalkaas.

Saraakiil Kurdiyiin ah ayaa todobaadkan u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ujeedada hawgalkani yahay in dhamaan wadooyinka gala magaalada la jaro oo ay ka mid yihiin kuwa magaalada ku xidha gobolka Deyr Azzour oo ah meel kale oo ay ku xoogganyihiin kooxda Daacish.

 

 

Leave a Reply