Askari Faransiisa oo Nin soo Weerarey Toogtay

0
318

Warbaahinta ayaa sheegaysa in askari Faransiis ah oo gaadh ka hayey matxafka Louvre ee Paris rasaas ku furay nin uu ka shakiyey inuu weerar damacsanaa.

Ninkaas oo la sheegay inuu ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayey inuu midida uu sitay ku dhufto askariga laakiinse uu isaga dhaawac ba’ani soo gaadhay ka dib markii askarigu rasaas kaga jawaabay weerarkaa.

Ninka weerarka ahaa yaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaal khanka hoose ee matxafka. Hawl gal nabadgelyo oo ballaadhan ayaa haatan socda wasaaradda arimaha guduhuna waxay xaaladda ku tilmaantay mid “ba’an”.

Dadkii ku jiray matxafka Louvre ayaa iyagana laga daad gureeyay.

Af-hayeenka booliska Faransiiska ayaa isna sheegay in ninka weerarka qaaday ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar”, hase ahaatee muu sidanin waxyaabaha qarxa.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu sitay mid ama laba shandadood, war kalena wuxu tibaaxay in uu dhabarka ku sitay shandad oo uu faashna sitay.

 

Leave a Reply