Juxo Iyo Qisooyinkiisa Xikmadda Leh

0
424

Juxaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo tegay suuqa si uu uga soo iibsado kiish daqiiq ah, markuu iibsaday ayuu u yeedhay nin xamaal ah oo Kaariyoone wata si uu ugu geeyo gurigiisa.

Juxaa iyo xamaalikii oo kaaryoonaha wada socda waxay soo dhex-mareen meel ka mida suuqii oo ay dadku aad ugu badan yihiin aadna cidhiidhi u ah , Muddo ka dib juxaa iyo ninkii xamaalka ahaa ayaa ku kala lumay suuqa dhexdiisii. Inkastoo uu Juxa si aad ah uga dhex raadiyay suuqa xamaalkii, haddana markii danbe wuu ka quustay inuu helo wuxuuna iska tegay gurigiisa.

Maalmo ka dib Juxaa wuxuu arkay xamaalkii, laakiin wuu ka dhuuntay qaar ka mid ah asxaabtii Juxa ayaa weydiiyay sababta uu uga dhuuntay xamaalka iyadoo kiishkiisii daqiiqda la maqan yahay, balse Juxaa ayaa ugu jawaabay saaxiibadii “ Waxaan ka baqayaa inuu I weydiiyo lacagtii Xamaalka ahayd ee ilaa maalintii, taasi oo laga yaabo inay Kiishkaba ka badato”.

 

Leave a Reply