Xasharaad Loo Adeegsan Karo Basaasnimada Oo La soo Saaray

0
356

Shirkad laga lee yahay wadanka wadanka Maraykanka ayaa soo saartay xasharaad ama cayayaan yar oo loo adeegsan karo hab basaasnimo ah, taas oo lagu magcaabo DragonflEye, kaas oo awood u leh inuu meel walba galo kana soo duubo waxyaalaha sirdoon ahaan loo adeegsan karo.

Dragonfly ayaa ah mid waqtigan qaybo badan oo kamid ahi ku jiraan habka samaynta , iyada oo la le’ekaysiiyey cidida qofka , halka kuwo kalena ay waxoogaa ka waaweyn yihiin , waxaanay lee yihiin baalal sida Solar-ta oo kale ah ,kuwaas oo si fudud u jaajar garayn kara Baalasha iyo beytariga ay ku duulayso qalabkaasi.

Waxaanay khubarada shirkaddani sheegeen in loo adeegsan karo cilmibaadhisaha iyo sidoo kalena hawlagalada kale ee ay sameeyaan ciidamadu.

Jesse Wheeler oo kamid ah shirkadda soo saartay xasharaadkan yar  oo u waramaayey wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa sheegay in ay xasharaadkan yar u adeegsan karaan inay ku daraan xasharaadka kale, sidoo kalena waxa uu sheegay in ay dabeecad ahaan u sameeyeen qalab si fudud ula fal geli kara xayawaanada kale .

Waxaanay khubaradani xasharaadkan yar u sameeyeen qalab laydh bixinaaya oo soo diraaya Falaadho, kaas oo lagu ogaan karo hadba halka uu maraayo, sidoo kalena waxa ku xidhan aanteenooyin si fudud ugu xidhmaaya hadba xarunta laga hagaayo xayawaankaasi yar.

Waa markii labaad ee ay khubaradani tijaabiyaan xayawaankan yar, iyada oo lagu tijaabiyey meelo kala duwan oo laabab ah, waxaana la doonayaa loona diyaarinayaa hadda in lagu tijaabiyo meelo beero ah , iyada oo lagu sii dhex deynaayo xayawaanaad kale.

Leave a Reply