Hargeysa(Dawan) Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon) ayaa xadhiga ka jaray shirkad nooceedu dalka ku cusub yahay oo bilowday adeegyada hilibka darayga iyo khudrada oo magaalada Hargeysa uu ka hirgeliyey Shirkadda Shaybe Co.
Munaasibada oo ka soo qaybgaleen xubno golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, dhakhaatiirta Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo martisharaf kale ayaa ganacsade Keyse Cabdi Shaybe oo ka waramay qaabka ay u shaqeynayaan iyo adeegyada ay fulinayaan ayaa yidhi,
“Shirkadan oo qeyb ka ah Sheybe Group, waxaan ugu tallogalay inaan hilib nadaafadiisa iyo caafimaadkiisa la ilaaliyey u soo gudbino macaamiishayada caasimada Hargeysa xilligan, mustaqbalka dhowna aanu ku fidino dhamaan gobolada dalka. Waxaan bulshada ugu bishaaraynaynaa inaan u furnay adeegan cusub ee Hilibka Darayga ee Shaybe (Fresh Butcher Shaybe) xaafada Jigjiga-yar, agagaarka Hudheelka Shaybe.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon) oo ka hadlay furitaanka shirkadan cusub ee Fresh Butcher Shaybe ayaa ku tilmaamay inuu yahay adeeg bulshadu u baahnayd, waxaanu yidhi,“Waxaan furaynaa shirkad adeeg cusub oo ah kii labaad ee hargeysa aan ku arko, nooc cusub oo sida caalamka hilibka nadaafadiisa looga shaqeeyo, isla markaana filayo inuu wax badan ka bedelo dalka, dad badana ku deydaan, waxaan u rajeynayaa inuu Ilaahay u barakeeyo, bulshada caasimaduna macaamiishooda noqon doonaan.Wasiiru-dawlayaasha wasaarada xanaanada Xoolaha iyo Ganacsiga iyo Gudoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka oo dhammaantood ka hadlay ayaa soo dhoweeyey, isla markaana sheegay inuu wax weyn ka tarayo fayo-dhowrka caafimaadka bulshada, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa,
“Adeegan Fresh Butcher Shaybe waxa lagaga ciilbaxaya culayskii suuqa, nin walba intuu doonayo ayuu qaadanayaa, ama rubuc ha ahaado ma nus hilibkii oo nadiif ah, waxaan jeclahay inuu sii balaadho adeegani,” ayuu sheegay Mr. Axmed Xaashi Odey, Gudoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.
“Hadaanu nahay wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga waan soo dhoweynayanaa, waxaana naga go’an inaan dhiirigelino ganacsatada adeegyada noocan dalka ku soo kordhinaya, shacabka caasimada Hargeysa waxaan leeyahay ku xidhnaada adeegyada Fresh Butcher Shaybe,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha wasaarada Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac.
Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha oo ka hadlay xafladii furitaanka shirkada cusub ee Fresh Butcher Shaybe ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan, isla markaana tahay nidaamkii loo baahnaa in loo ilaaliyo caafimaadka iyo tayada hilibka intaan loo gudbin bulshada, waxaana hadalkoodi ka mid aha,
“anigoo ka mid ah dhakhaatiirta Caafimaadka xoolaha, neefka marka la qallo ee uu kawaanka yaalo, wuu qurux-badan yahay, markaanu soo eegno, laakiin, marka suuqyadeena la keeno waxaad arkaysaa isagoo duqsi fuulay, tayadii hilibkuna halkaa ayuu ku dhimanayaa, in xanuuno degdeg ah laga qaadana waa halis, laakiin markan sida Fresh Butcher Shaybe hilibkii loo tayeeyo, ee caafimaadkiisa loo ilaaliyo, oo adeegyadan oo kale bulshada loo fidiyo, wax badan ayey u taraysaa.” Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha.
“Duco waalid keliya ayaan halkan uga soo jeedinayaa Keyse Cabdi Shaybe, maadam uu adeeg cusub bulshada u keenay, iyadoo hore ganacsiyo kale uu u bilaabay u jireen, Ilaahay ha uga dhigo ganacsigii guulaysta ee dhamaan gobolada kale dalkana u gudba,” ayuu yidhi Xasan Sellin, oo madasha ka hadlay
Adeegyada shirkadan cusub ee hilibka darayga & khudarada ee Fresh Butcher Shaybe, oo laga furay xaafada jigjiga-yar, agagaarka Hotel Shaybe, ayaa la saadaalinayaa inuu mustaqbalka dhow la gaadhsiiyo dhammaan gobollada dalka iyo dunida daafaheeda.
Dawannews Hargeysa office