Canaasiir Cali Khaliif Iska Hortaagay Inuu ka Dhoofo Madaarka Buuhoodle

0
304

Buuhoodle (Dawan)- Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo  Prof. Cali Khaliif Gallaydh, ayaa shalay xoog lagaga hor joogsaday inuu ka dhoofo gegida diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle, iyada oo malleeshiyo beeleed hubaysani ay iska hor-taageen diyaarad u qaadi  lahayd dalka Jabuuti oo la filayo in wada-hadal uga furmo kooxdiisa iyo  dawladda Somaliland.

Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa muddo saacado ah ay xiisadi ka taagnayd ka dib markii ciidan beeleed uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdifataax Baydan ay xannibeen diyaaradii dalka Jabuuti u qaadi lahayd  Cali Khaliif Galaydh iyo wefti uu hoggaaminayay.

Mr.Baydan oo warbaahinta kula hadlay xerada ciidankiisu ka dagan yihiin magaalada Buuhoodle ayaa ku tiraabay,  “Madaarku waa madaar Dhulbahante, waa madaarkii Buuhoodle, laakiin maaha madaar Somaliland, ta nagu kaliftayna waa siyaasadda Cali Khaliif iyo kooxdiisu wadaan, waxaanuna go’aansanay in aanay garoonka ka dhoofin.”

Cabdifataax Baydan waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxaanu diyaaradaha gudaha iyo kuwa dibadaba aanu u sheegaynaa inay ka duuli karaan soona fadhiisan karaan, hase ahaate inaanay diyaarad xanbarsan siyaasad Somaliland ahi inaanay ka duulin kana soo dagin, shuruudaha odayaasha dhaqanka aanu kala saxeexanayna waxa ay yihiin inuu Cali imika ka dhoofo ee aanu ka soo degin, diyaaraduna waa mid laga leeyahay dalka aanu jaarka nahay ee Itoobiya , Itoobiyaanimo ayaanay nagaga badbaaday, ujeeddada aanu diyaaradan u xanibneyna waa inaanay Cali iyo waftigiisu aanay dhoofin kana soo dagin garoonka isaga iyo wixii taageersan Somaliland ba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply