Xasan Cawaale oo Ganacsatadda ugu Baaqay in ay Jabiyaan Qiimaha Maceeshadda

0
347

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada, Jamhuuriyadda Somaliland, Xasan Cawaale Caynaan ayaa u soo jeediyay ganacsatada reer Somaliland in ay u tudhaan shacabka danyarta ah ee aan awoodin in ay iibsadaan meecashada.

Xasan Cawaale Caynaan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeyas ayaa waxa uu sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay qiimaha maceeshada ay hoos u dhigaan, madaama oo uu hoos u dhac ku yimid sarifka doolarka.

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay ganacsatada waaway ee wax soo dejisa in ay joojiyaan raashinka ay iibinayaan ee tafaariiqda ah, oo ay iibiyaan wixii jumlad ah, isla markaana ay ganacsatada yaryar u daayaan iibinta wixii tafaariiq ah.

“Waxa aan fariin u dirayaa ganacsatada dalka wax keenta ee raashinka dibada ka soo waarida, waxaana aan leeyahay doolarkii wuu jabaye ee raashinka iyo maceeshada haka jabiyaan ummadda, waxaana aan leeyahay dadka masaakiinta ah ha loo tudho, sidaas daraadeed waxa aan u soo jeedinayaa ganacsatada waawayn ee wax soo dajisa in ay joojiyaan raashinka ay iibinayaan ee tafaariiqda ah, waana in wax iibinta ay u daayaan ganacsatada yar yare ee bakhaarada haysta, xeerkii kala xadaynta ganacsiga waa la wadaa samayntiisii, golahana waa la soo hor dhigayaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply