Dowlad u Rartay Caasimadeedii Dhul Keymaley ah

0
285

Dowladda Equatorial Guinea ayaa ka rartey xarumaheedii dowladda caasimada Malabo ee ku taal jasiirad xeebeeda, waxaanay geysay magaalo qabyo ah oo ay ka yagleeshay dhulka keymaha roobleyda ah ee durugsan.
Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema ayaa waqxa la sheegayaa ina y ujeedadiisu tahay inuu u isticmaalo dhaqaalaha saliida caasimadda cusub ee mustaqbalka oo magaceedu yahay Djibloho.
Waxa kale oo la leeyahay waxa iyana qodob ah ku saabsan guuritaanka amniga iyo nabadgelyada haddiiba la isku dayo in la inqilaabo dowladda.
Xildhibaanada ayaa ahalkaasi joogi doona bilowga saddex bilood, waxaanu ra’iisulwasaare Francisco Pascual Obama Asue uga digay xildhibaanada in aanay u qaadan guuritaankaasi mid aafasax ah ama dalxiis ah..
Magaalada cusub ee Djibloho oo ay ku wareegsan yihiin beero waaweyn oo kuwa dalxiiska ahi wax sidaas ah kama foga xuduuda bari ee Gaaboon.
Inkasta oo Equatorial Guinea ay tahay dalka saddexad ee ugu saliid soo saar badan Afrika haddana in ka badan kala badh dadkeeda ayaa ku nool xaalad hoose oo saboolnimo.

Leave a Reply