Baarlamaanka Koonfur Afrika oo Feedh iskula Teagay

0
283

Feedh  ayey isku billaabeen xildhibaanada baarlamaanka Koofur Afrika ka dib markii mucaaradka ay is hortaageen khudbo uu madaxweyne Jacob Zuma ka jeedin lahaa baarlamaanka.

Xubno ka mid ah xisbiga xagjirka ah ee mucaaradka ee u ololeeya arrimaha dhaqaalaha (EFF), oo dhammaantood xidhnaa dhar guduud ah, ayaa feedh ku billaabay ciidamada isku deyay inay kal-fadhiga ka saaraan.

Mr Zuma ayaa laba jeer istaagay masraxa oo isku deyay inuu hadalka billaabo, laakiin xildhibaanada mucaaradka ayaa ku buuqay oo  u diiday inuu erey dhoho.

Dibadda xarunta baarlamaanka booliska waxay adeegsadeen gaas si ay u kala ceydhiyaan taageerayaasha mucaaradka iyo dowladda oo isu soo baxay.

Jacob Zuma waxaa la degay eedeymo musuqmaasuq iyo nin jecleysi, waxaa sidoo kale si guud loo cambaareeyay qaabka uu dhaqaalaha u maareeyay.

Hadallo horey uu ugu jeediyay baarlamaanka ayaa sidoo kale lagu buuqay, waxaana laga dalbaday inuu is casilo.

Markii uu galayay dhismaha baarlamaanka shalay, waxaa lagu soo dhoweeyay qeylo ah “Tuug”. Mucaaradka uu hogaaminayo Julius Malema ayaa ku oriyay madaxweynaha.

Xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee ANC ayaa dhankooda ku qeylinayay “ANC, ANC, ANC”.

Iyadoo ay jireen buuq iyo qalalaaso ayaa gudoomiyaha baarlamaanka Baleka Mbete waxay isku deyday inay rabshada la tacaasho, balse way awoodi wayday.

Mr Malema wuxuu ugu yeeray Mr Zuma “Nin aan la sixi karin oo aasaaska ka qurmay”.

Wuxuu sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka u sheegay “Anshaxaaga wuu xun yahay. Waxaa tahay qof aan dhameystirneyn, oo degdegaaya, dhexdhexaadna ma ahid”.

Ms Mbete waxay ku tidhi xildhibaanada buuqayay: “Waan idiin dulqaadanay, waxaan isku deynay inaan fursad idiinsiino si aad u muujisaa aragtidiina, balse waad xad gudubteen.”

Ciidamada amniga ayaa gudaha looga yeedhay, ka dibna mucaaradka ayey xoog uga saareen kullankii Baarlamaanka.

Xubnaha xisbi kale oo mucaarad ah oo lagu magacaabo Is beheysiga Dimuquraadiyadda, ayaa ka dib ka dareeray xarunta iyagoo ku dhawaaqaya madaxweyne Zuma inuusan u qalmin xafiiska.

Madaxweyne Zuma ayaa ku dhoolla cadeeyay wuxuuna soo afjaray khudbadiisa isagoo ka hadlay dhaqaalaha iyo dhowr arrin oo kale.

Jacob Zuma wuxuu ka cadheysiiyay qaar ka mid ah xildhibaanada ka dib markuu amray in 440 askeri la geeyo dhismaha baarlamaanka ka hor intuusan gaadhin oo uusan billaabin khudbada.

Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay “shaacin dagaal”.

Tan iyo markii ay kuraasta badan heleen mucaaradka EFF, sanadkii 2014-kii, waxay carqaladeeyeen khudbadaha madaxweynaha oo ay ku eedeynayaan musuqmaasuq.

 

Leave a Reply