Hailemariam oo Bayaamiyay Inuu Somaliland Kala Shaqeynayo Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha

0
264

Addis-ababa(Dawan)- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya  Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in dawladiisu ay kala shaqeynayso Somaliland  horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee faa’iiddada u leh labada dhinacba.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sidaas ka sheegay intii ay ku gudo-jireen wadahadal uu la yeeshay wefti ka socday Somaliland oo oo tagay Itoobiya oo uu hoggaaminayay  Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, siday faafisay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA Jimcihii shalay.

“Wadahadalkan waxa diirrada lagu saaray  sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidka isku xidha Somaliland iyo Itoobiya, si ay suurtogal u noqoto in Itoobiya isticmaasho Marsadda Berbera.

Md. Hailemariam wuxuu sheegay in Itoobiya la shaqeynayso Somaliland si loo ballaadhiyo isdhexgalka wax wada qabsiga labada geesood, sida uu wakaaladda ENA u caddeeyay   Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shide.

 

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, waxa uu intaas ku daray  in Somaliland iyo Itoobiya isku raaceen inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyo wax ka qabashada iyo yareynta u nuglaanshaha abaarta ee mandaqadda.

Wasiir Axmed Shide, waxa uu intaas raaciyay Hoggaamiyeyaashu  ay isku waafaqeen inay ka wada shaqeeyaan  dhinaca tamarta.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa u sheegay wakaalada ENA, in Itoobiya iyo Somaliland aanay  sii wadaynin  iskaashigooda oo kaliya, balse ay ka wada shaqeynayaan nabad-gelyada mandaqada gobolka.

Wasiir Sacad wuxuu sheegay inay isla qaateen in la horumariyo dekadda Berbera, oo uu xusay inay u suurtogelin doonto Somaliland iyo Itoobiya inay kor u sii qaadaan wax wada qabsigooda.

 

Wasiirku waxa kaloo uu tilmaamay in  labada geesood isweydaarsadeen sida ay kor ugu qaadi karaan iskaashiga  dhinaca ganacsiga. Waxaanay ku heshiiyeen in la sii wado deeqaha waxbarasho ee ardayda Somaliland ay ka helaan Itoobiya,”ayay tidhi Wakaalada ENA.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply