Beerwale Xabsi ku Mutay Tahriibeyaal uu Caawiyey

0
268

Beerwale Faransiis ah ayaa maxkamadi ku xukuntay xabsi dibad joog ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3,000 Euro oo u dhiganta 3,200 Dollar, ka dib markii lagu helay in uu dad tahriibeyaal ah ku caawiyey meel ku taal soohdinta Faransiiska iyo Talyaaniga.

Cedric Herrou ayaa tobanaan qof oo tahriibayaal ah ku marti geliyey aqallada baabuurtu jiiddo oo yaallay beertiisa oo ku taal dooxada Roya ee ku taal koonfurta bari ee Faransiiska.

Dadka falkiisa la dhacsan ayaa ku ammaanay in uu yahay nin aadamenimadu damqayso waxaanu isna wacad ku maray in uu sii wadi doono taakulaynta uu siinayo dadka tahriibayaasha ah, arrintaas oo uu ku tilmaamay in ay tahay waajib madani ah oo saaran.

Arrinta soo galootigu waa arrin aad loogu hadal hayo ololaha doorashooyinka la filayo in ay Faransiiska ka dhacaan bilaha Abriil iyo Mey.

Dacwad oogaha magaalada Nice ayaa dalbaday in ninkan lagu xukumo sideed bilood oo xabsi dibad jooga ah. Herrou waa 37 jir waxaanu noqday astaan ay ku hirtaan dadka reer Yurub ee caadiga ah ee goostay in ay gargaaraan dadka soo galootiga ah ee ka soo qaxaya colaadda iyo faqriga ka jira Bariga Dhexe iyo Afrika.

Intii ay socotay dacwadda lagu soo oogay oo ahayd mudo bil ah, ayaa wuxu sheegay in falkan lagu haysto ay ku kaliftay sababta ah in “ay dadkaasi dhibaataysnaayeen.”

“Dad baa ku dhintay wadooyinka waaweyn, qoysas baa daranyeysan dalkana wax a ka jira dawlad in ay xuduudda ilaaliso laga filayey oo aan hadana waxba ka qaban karayn waxa dhacaya” ayaa wergeyska Le Monde ka soo xigtay ninka xukunka lagu riday.

Wararku waxay sheegayaan in ninkan beerwalaha ahi weli gurigiisa ku hayo da’yar ka timid Sudan iyo Eritrea.

Herrou waxa lagu waayey dacwado kale oo lagu soo oogay oo ay ka mid ahayd in uu 50 qof oo Eriterean ah hoy uga dhigay dhisme laga guuray oo ku yaal goob dal xiis oo shirkadda tareennada ee SNCF leedahay.

Leave a Reply