Ninkii Billaabay Qalabka MRI oo Geeriyooday

0
276

Sir Peter Mansfield ayaa sanadihii 1970-meeyadii waxa uu hogaamiyanayay koox samaysay qalabka MRI oo ka mid ah guulaha ugu weyn ee laga gaadhay caafimaadka casriga ah.
Aabihii wuxuu rakibi jiray gaaska cunnada lagu karsado, Sir Peter-na waxa uu iskuulka ka hadhay isagoo 15 jir ah ka dib markii uu ka dhacay imtixaanka 11-plus loo yaqaano ee waddanka Britain.
Wuxuu markii dambe ku biiray dhalinyarada adeegga qaranka Britain, isagoo gelinna waxbaran jiray. Waxaa u suuragashay in shahaadada koowaad ee jaamacadda uu ku sameeyo maadada physics, isagoo ka baxay Queen Mary College, Jaamacadda London.
OF NOTTINGHAM
Ka dib markii uu jaamacadda ka qalinjabiyay ayaa Sir Peter waxa uu shaqo ka helay madbacad, isagoo markii dambe u wareegay waaxda ganidda gantaallada ee Britain.
Sanadkii 1964 ayuu shaqo ka helay jaamacadda Nottingham, halkaas oo muddo 30 sano ah uu ka dhigayay maadada physics.
Sanadkii 1978, Sir Peter ayaa iska dhaga tiray digniin ah in aanu naftiisa ku tijaabin qalabka MRI oo markaasi bilow ahaa.
Sir Peter ayaa abaalmarinta Nobelka ee caafimaadka waxa uu sanadkii 2003 kula guuleystay Paul Lauterbur oo ah khabiir ku takhasusay dawooyinka.

Leave a Reply