Bani’adamku Waa Hanti Qaali Ah!

0
375

Aqoonyahanka Dr. Mustafe Maxamuud oo Masar u dhashay ayaa qoraal is barbar dhig ah ku sameeyay dalalka Japan iyo Masar waxaana uu sheegay in tirada dadka dalka Japan ay tahay 120 malyuun oo qof,  kuwaasi oo ku nool dhul aad uga yar dalka Masar, laakiin dadkiisu aqoonta heer sare ayay ka gaadheen, isla markaana gaajo iyo saboolnimo kama jirto dalkooda, waxana ay tartan kula jiraan dalka Maraykanka.

Diktoorka ayaa intaasi ku daray in dalka Japan aanu lahayn batrool, dhuxul dhagax iyo xataa xadiid midna, laakiin waxay leeyihiin ayuu yidhi “ hantida ugu qaalisan oo ah banii’adam” Kuwaasi ayay horumarkaasi ku gaadheen. Masar waxay dirtaa oo ay dunida u dhoofiysaa gaasta dabiiciga ah, dhul beereed baladhan iyo khayraad kale oo badanna way leedahay, haddana dadkeedii waa sabool weli gaajadu cabsi joogto ah ayay ku haysaa.  Haddaba waa maxay sababtu?

 

 

Leave a Reply