War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Neyjeeriya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo madaxweynaha dalka Maraykanka ay khadka telefoonka ku wada hadleen.
Warkan ayaa soo baxay aiyada oo beryahan danbe wax la iska weydiinayo maqnaashihiisa isaga oo caafimaad u joogay Infgiriiska.
Warka ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen arrimaha mileteriga iyo qalabka ay isticmaalaanba .
Wadahadalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada hogaamiye dhexmara iyadoo maalmahanba laga deyrinayay caafimaadka Buhari.
Dowladda Neyjeeriya ayaa dagaal kula jirrta kooxda Boko haram oo deegaano badan dagaalo culus ka wada.
Xafiiska Buhari ayaa laga sheegay in madaxweynuhu uu ladan yahay uuna joogo magaaladda London.