Madaxweyne ku xigeenka Fenezuela oo Xayiraad la Saaray

0
304

Dalka Maraykanka ayaa cunoqabatayn saaray madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Fenezuela, isaga oo ku eedeeyay in uu ku lugleeyahay ganacsi daroogo oo caalami ah.

Amarkan ayaa Tareck el-Aissami ku daray liiska dadka doorka wayn ku leh ka ganacsiga daroogada caalamka.

Liiskan waxaa kale oo lagu daray Samark Bello oo ah ganacsade maalqabeen ah oo lagu tilmaamay in uu yahay ninka arrimahaas u hogaamiya Aissami.

Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa bishii hore magacaabay Aissami.

Bello durba wax jawaaab ah kama uusan bixinin. Laakiin Aissami ayaa horay u diiday in uu wax calaaqaad ah la leeyahay dambiileyaal.

Xayiraadan ayaa fadhiisinaysa dhaqaalaha madaxweyne ku xigeenka ee dalka maraykanka yaalla, waxayna ka hor istaagaysaa in uu galo dalka Maraykanka.

Leave a Reply