Aqalka Cad oo ka Hadlay Is casilaada Kaaliyihii Dhanka Ammaanka ee Trump

0
293

Aqalka cad ee Mareykanka sarkaal ka tirsan  ayaa ka  hadlay  is casilaada  Kaaliyihii dhanka ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka, waxaanu sheegay inuu ogaa  in ay tahay inuu is casilo kadib markii uu ka  marin habaabiyay Madaxweyne ku xigeenka xidhiidh uu Ruushka la sameeyay.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay “in uu qiimaynayo” xidhiidhkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fadhiistay.

Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saaran.

Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.

Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay “In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda”.

 

Leave a Reply