Ilmaha Curad oo La Ogaadey Inuu ka Maskax Badan Yahay Kuwa Kale

0
299

Khubaro ka kala socotay jaamacadda Edinburgh University iyo shirkaddo kale oo xidhiidh la leh ayaa daraasad ay in dhoweyd wadeen markii ugu horeysay soo saaray natiijadii kazoo baxday, daraasadaasi oo ku saabsanayd siday caruurtu u kala maskax badan yihiin.

Khubaradan ayaa gebo gebadii daraasadan ku sheegay in ilmaha kowaad ee curad ka maskax badan yahay caruurta kale, iyaga oo sheegay inay sameeyeen tijaabooyin kala duwan oo ay ku ogaadeen natiijadan.

Khubaradan ayaa sababta ku sheegay in ilmaha kowaad uu mar walba ka helo qoyskiisa jacayl dheeri ah iyo sidoo kalena caanaha naaska hooyada oo cusayb ah, waxa ugu horeeya ee uu helaana ay noqdaan macdanaha badan ee caanahaasi ku jira.

Waxa kale oo ay sheegeen in sannadka ugu horeeya uu ilmahaasi waalidka ka barto waxyaalo badan oo u sahla inuu ka maskax bato kuwa kale, kuwaas oo ay kamid tahay isaga oo hela khibrad  waqti badan loo huray oo ay siyaan waalidka dhalay, madaama oo uu cusub yahay.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay ayaa sheegay in caruurta kale ay waayaan fursadahaasi oo kale, madaama oo waalidku kaga mashquulayaan waxyaalo kala duwan ,sidoo kalena iyaga laftoodu mashquulinayaan markay isku bataan.

Waxa kale oo ay khubaradani cadeeyeen in caruurtaasi hadhow noqon karaan kuwo waxbarashada iyo dhaqaalaha ku wacan, madaama oo ay si fiican uga dhismaan dhanka maskaxda.

Dr Anna Nuevo oo kamid ah bareyaasha sare ee jaamacadda Edinburgh University ayaa sheegtay in sababta caruurtu u kala caqli bateen ay tahay fursadaha ay ka kala hor heleen waalidka, gaar ahaana caanaha ugu horeeya ee Naaska iyo sidoo kalena jacaylka ugu horeeya ee ilmaha la tuso.

Leave a Reply