Ruushka oo ku Gacmo saydhay Xidhiidhka Ololihii Trump

0
279

Ruushka ayaa beeniyey warbixin uu daabacay wargeyska New York Times oo ku saabsan in xubno ka tirsanaa ololaha madaxweyne Donald Trump ay xidhiidh la lahaayeen sirdoonka Russia, ka hor doorashadii Mareykanka ee November.

New York Times ayaa soo xigatay afar saraakiil hore oo sheegay in sirdoonka Mareykanka ay dhageysteen wada sheekeysi taleefon oo ay ku lug lahaayeen madaxii hore ee ololaha Trump Paul Manafort iyo xubno kale.

Manafort ayaa beeniyey inay jiraan wada sheekeysiyadan, sida ay ku warrantay The Times.

Waxa uu sidoo kale beeniyey warbixin kale oo ay baahisay CNN oo ay ku sheegtay in Manafort iyo la-taliyihii amniga qaranka Trump ee is-casilay Michael Flynn ay xidhiidh toos ah la sameeyeen dad Ruush ah.

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in warbixinadan “aysan wax xaqiiq ah ku fadhin”, halka warbaahinta Ruushka ay sirdoonka dalkaas kasoo xigteen in xidhiidhkan la sheegay

Leave a Reply