Trump oo Todobaadyo ka hor sii Ogaa Arrimaha Flynn

0
270

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sii ogaa in dhibaato ka jirtay taleefanadii uu Flynn kula hadlay Ruushka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Aqalka Cad.

Waaxda caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa dhamaadkii bishii koowaad u sheegtay Madaxweynaha in laga yaabo in Flynn uu marin habaabiyay saraakiisha iyo shacabka Maraykanka, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

Waxaa laga dalbaday in uu is casilo saddex todobaad ka dib markii “markii dhaawac uu soo gaadhay kalsoonidii lagu qabay.”

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray dalabyadii ku aadanaa in baadhitaan lagu sameeyo xidhiidhka uu Flynn la yeeshay Ruushka.

Flyn ayaa sidoo kale la sheegay in ay su’aalo waydiiyeen waaxda sirdoonka ee dalka Maraykanka, sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Maraykanku.

Flynn ayaa isu casilay eedaymo la xidhiidha in uu safiirka Ruushka ee Maraykanka kala xaajooday cunaqabataynada uu Maraykanku saaray ka hor inta uusan xafiiska la wareegin Donald Trump.

Jeneraalkan hore ee ciidammada ayaa markii hore diiday eedaymaha ku saabsan in uu cunaqabataynta kala hadlay danjiraha Ruushka, Sergei Kislyak, madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaana meel fagaare ah ka diiday eedaymahaas isaga oo Flynn u hadlaya.

Haddii ay eedaymahani sax yihiin, sharci darro ayay Flynn ku ahayd in uu iskii dublamaasiyadda Maraykanka faraha ula galo isaga oon xil haynin, ka hor inta aan loo magacaabin kaaliyaha ammaanka qaranka ee Trump.

Sally Yates oo ahayd ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka ayaa Aqalka Cad uga digtay in xidhiidhada uu Flynn samaynayo ay u nugul yihiin in ay helaan dad aan loogu talagalin oo Ruushka oo jabsada ama u dhaca, sida uu sheegay Spicer.

Trump oo isla maalintaas lala wadaagay macluumaadka ayaa u arkay in ficiladda Flynn aysan meel ka dhac ku ahayn sharciga, sida uu Spicer sheegay.

 

Leave a Reply