Shirkad Laga Leeyahay Wadanka Jarmalka oo Raacii Labaad ee Diyaaraddo Yar Yar ah Suuqyada ku soo Daysey

0
291

Shirkadda wadanka Jarmalka ee lagu magcaabo Plus One Plus ayaa markii labaad suuqyada kusoo daysay diyaaraddo aad u yar yar , kuwaas oo awood u leh inay muddo hawada ku jiraan, iyada oo aan la saarayn wax culays ah , loona adeegsan karo duubitaanada sida Drone ta oo kale.

Diyaaradan ayay shirkaddani u bixisay Dawn 2, iyada oo daba socota diyaarad hore ay soo saartay oo lagu magcaabi jiray Remote, waxaanay diyaaradani tahay mid si fudud looga hagi karaayo Remote ka yar yar ee gawaadhida yar yar lagu hago.

Waxa kale oo ay shirkaddani ku xidhaysaa siday sheegtay diyaaradan taleefannada gacanta oo laga hagi karo, waxaana qofku hagayaa isaga oo gurigiisa jooga, umana baahna in uu meel kale tago, sidoo kalena Beytariga ay ku shaqaynayso ayaa ah mid la jaajar garaynaayo.

Diyaaradan ayay sheegtay shirkaddu inay ka dhigi doonto mid intan ka weyn siday masuuliyiinta shirkadaasi u sheegeen wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.

Qaybta kowaad ee diyaaradan ayaa ahayd mid aad u yarayd , sidoo kalena aad u fududayd, iyada oo culays ahaan ahayd diyaaradaasi 12.5 grams, halka uu tan yahay waqtigan 17.9 gram ayna ka duwan  tahay diyaaradaasi hore.

Waxaanay dhowaan soo gashay suuqyada wadankaasi, iyada oo la filaayo inay gaadho suuqyada kale ee wadamada Yurub oo ah kuwo iyagu isu furan.

Leave a Reply