Mid Kamida Dalalka Islaamka oo Laga Mamnuucay Xuska Maalinta Jacaylka

0
254

Wadanka Indonesia oo kamid ah wadamada Islaamka, sidoo kalena ah wadanka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Muslimiin ahi ayaa mamnuucay in laga xuso maalinta ay dawlada reer Galbeedku u bixiyeen maalinta jacaylka adduunka.

Maalintan oo laga xuso wadamo badan oo aan Islaam ahayn ayaa ah mid caan ku ah dhanka Fisqiga, iyada oo ay dawlada dalkaasi Indonesia albaabada u xidhay goobaha lagu iibiyo waxyaalaha muujinaaya maalinta Jacaylka adduunka maalinta loogu yeedho.

Maayirka magaalada Makassar ayaa warbaahinta u sheegay inay awood u adeegsadeen goobo lagu iibinaayey waxyaalaha lagu xusaayey maalintan, waxaanu sheegay inay amarkan fuliyeen ,kadib markii ay dadku codsiyo usoo direen ah in la joojiyo maalintan aan diinta Islaamka salka ku lahayn.

Waxa kale oo aad uga hadlay culimada Diinta Islaamka ee wadankaasi, kuwaas oo olole xoogan ka galay sidii ay u joojin lahaayeen xuska maalintan shareecadda baal marsan ee ay dawlada Reer Galbeedku samaysteen .

Maalintan ayaa ah maalin dhiirigelisa fawaaxish badan, iyada oo ku beegnayd 14 February , taas oo laga xuso wadamo badan oo aan Islaam ahayn sidoo kalena ay jiraan wadamo Islaam ah oo iyagana dhalinyaraddoodu hab aqoon la’aan ah u xusaan maalintaasi.

Leave a Reply