Somaliland oo ka Dalbatay Mareykanka in Laga Saaro Xayiraada Socdaalka ee Lagu Soo Rogey Dalal Muslim ah

0
294

Hargeysa (Dawan)- “Somaliland waxa ay Mareykanka ka dalbatay in laga saaro  amarka xayiraada socdaalka la xidhiidha ee uu Madaxweyne  Trump ku soo rogey inaanay muddo soo geli karin Mareykanka dadka u dhashay toddoba dal  oo muslimku ku badan yahay,”ayaa lagu bilaabay mareegta Telefishanka  Fox news  ka qorey dhambaal  codsi ah oo  ku wajahan dalabka Somaliland oo Wasiirka Arrimaha dibada  Dr. Sacad Cali Shire isniintii todobaadkan u kala  diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mr. Rex Tillerson, xoghay nabad-galiyada gudaha Mr. John Kelly, oo uu ka codsaday in xoriyiraadaas laga saaro Somaliland.

Qoraalkaa oo  wargeyska Dawan  soo turjumey waxa lagu yidhi “Soomaaliya waa mid  ka mida dalalka ay sameysay xariyaadani, hase ahaatee, Somaliland waxa ay isu dhigtaa qaran madax-bannaan ka dib markii ay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, waxaanay madax-bannaanideeda u raadinaysaa aqoonsi  caalami ah.” Qoraalkan Wasiirka Kharajiga Jamhuuriyada Somaliland waxa lagu sheegay inaanay Somaliland ka jirin ururo argagixiso. Islamarkaana Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya oo hoy u ah kooxda xag jirka ah ee  Al-shabaab, oo ka fulisa weeraro khasaare ballaadhan sababa.”

Geesta kale qoraalka Wasiirka oo aanu helay nuqul ka mid ah,  waxa lagu sheegay in qaraarka madaxweyne Donald Trump uu soo saaray 27-kii January  2017  ee xayiraada socdaalka ay caqabad ku tahay dadka reer Somaliland ee doonaya inay Mareykanka u tagaan inay qoysaskooda  booqdaan,sidoo kalena u tagaan aqoon korodhsi  ama ganacsi  u dhaxeeya labada dal.Wasiir Sacad Cali Shire waxa kale oo uu tafaasil ka bixiyay farqiga  u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inaanu socdaal ka dhicin weerar argagixiso wixii ka danbeeyay Octobar 2008-dii  isla markaana ay dawlad ahaan dhisteen ciidan adag oo ku filan sugida amaanka. Wasiirku waxa uu ku dooday in Somaliland ay tahay qaran buuxiyay dhammaan shuruudihi looga baahna qaran jira.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply