Wasiirka Duulista oo Booqday Madaarka Boorame oo Shaqo Laga Bilaabayo

0
302

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Farxaan Aadan Haybe oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Wasaaradiisa,  ayaa shalay socdaal shaqo ku tagey magaalada  Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu  kullamo la yeeshay  maamulka heer gobol iyo heer degmo, kadibna waxa ay kormeer ku tageen Madaarka Magaaladaasi oo ay wasaarada Duulistu hawlo shaqo ka wado.

Waxaa  ugu horayn halkaasi ka hadlay Isuduwaha wasaarada Duulista ee  Gobolka Awdal,  Cabdi Ibraahim Axmed, waxaanu yidhi  “Sida runtu ay tahay  waxa weeye, wasiirku nin da’yar, waa nin wax soo qabtay, wuxuu rabaa xadkii Madaarku lahaa in uu istaago, annagu ka wasaarad ahaana waxaa naga go’an, in dhulkii Madaarku lahaa xadkiisa aanu sida uu yahay u saxno, ee ummadu ay leedahay oo ah mustaqbalkii ummada.”

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine),  ayaa digniin u diray dadka  degan dhulka Madaarka waxaanu yidhi,  “Boqol Iyo Kontankaas mitir  ciddii  u soo gashay gudaha Madaarka, waa in ay ka laalaabtaa oo ay ka guraan. Madaarku wuxuu  u baahan yahay dhul, magaalo kasta oo dalka ka mid ahina waxay u baahan tahay Madaar, ciddii wax qabsata ee waxeeda sii hagaajisataa ayaa marba tamartu sida ay tahay wax loogu darayaa.

“Reer Boorame haddaydaan imika intiisa u sii qaban dee Miisaaniyada Sannad walba kordhaysa waxba loogu dari maayo haddii cabirka iyo murankiisu mar walba uu  taagan yahay.  waxaa nasiib wanaag ah in wasiirka duulistu uu   sannadkan miisaaniyadda qaranka  ugu daray in Madaarka wax laga qabto,”ayuu yidhi Guddoomiye Shiine.

Wasiirka  Duulista Hawadda Mr.  Farxaan Aadan Haybe, ayaa ka hadlay shaqada ay ka qabanayaan Madaarka Boorame, waxaanu yidhi,  “Runtii safarkagu waxa uu ku saabsannaa  indho indheyn iyo u kuurgalka madaarka iyo hawshiisa,  runtii waad arkasaanoo imika waxa socda oo aanu bilownay, Kaabadihii lagu samaynayey in xayandaab loo sameeyo Madaarka , waxaanuna rajeynaynaa in xuduudada Madaarka oo dhan la  sugo oo Xayandaabkii lagu xidho.Waxaanu samayn  doonaa Guddi  dhismaha madaarka oo dadka deegaanka  ka kooban, si loo helo oo loo sugo in laga wada qayb qaato Madaarka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply