Xikmadaha Maanta

0
332

Qofku muuqaalkiisa dhabta ahi wuxu soo baxaa marka loo diido wuxu jecel yahay, iyo marka lagu khasbo wuxu neceb yahay waana tan muujisa wanaaga ama xumaanta qofka.

Qofka garta heerkiisa, carabkiisana ilaaliya, ka jeesta waaxan khusayn, dadka dhibtiisa ka ilaaliya , kaasi wuu nabad gala, mana murugoodo.

Dulqaadka aad naftaada u muujisa waa kalsooni, kana aad qoyskaaga u muujisaa waa kalgacal, nooca dulqaad ee aad bulshada kale u muujisaana waa qadarin iyo xushmad.

Weliga ha  kafekrin dhibaato aad soo dhaaftay, waxay kugu abuurta dareen xun, wax soo socdana ha ka fekrin waxay kugu abuuri kartaa cabsi mustaqablka ah. Wakhtiga aad joogto ka faa’iidayo.

Dhibaato kasta oo aad soo marta waxay ka dhigta qof  jabay ama qof sii jiri kara oo xalilaya dhibta. Hadafkaaga iyo dadaalkaaga ayaa ka dhigaya guulasyte ama fashilme.

Ha raadin qof weji qurux badan, laakiin raadi qof qalbi wanaagsan, maax yeelay waxa kasta oo qurux badani ma wanaagsana, laakiin wax kasta oo wanaagsani way qurux badan yihiin.

Leave a Reply