Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Wakhtiga DP World Lagu Wareejinayo Dekadda Berbera iyo Shaqaale-weynaha oo Xuquuqdoodii la Siinayo

0
262

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay wakhtiga rasmiga ah ee ay dekadda Berbera ku wareejinayaan shirkadda caalamiga ah ee DP World oo xukuumaddu heshiis kula gashay casriyaynta iyo ballaadhinta dekedda Berbera. waxa kaloo dawladda  Somaliland guud ahaan shaqaalaha dekedda Berbera ay siinaysaa xuquuqdii shaqaalenimo ee ay ku lahaayeen dawladda muddadii ay soo ahaayeen shaqaalaha dawladda iyadoo loo balan qaaday in ay noqon doonaan shaqaale caalami ah oo heshiis la gala shirkadda DP World isla markaana yeesha xuquuq caalami ah,waxaanay Xukuumaddu caddeysay  in aanay jiri doonin  qof shaqaale ah oo shaqo waayi doona.

 Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,  oo shalay tagey  maqaalada Berbera oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale caddeeyay in Xukuumaddu ay samaysay dhul dan guud ah oo loogu talogalay maalgashiga iyo kambaniyada dalka imanaya in ay maal gashadaan dhulkaas oo aan ahayn mid cid muwaadiniin ahi ay lahayd oo laga qaadayo  laakiin ah dhulka danta guud ee dawladda,waxaa kale oo uu intaa ku daray in Madaxweynaha Somaliland in uu xayiraaddii ka qaaday dhul  hore  saddex madaxweyne u xayireen oo Berbera ku yaalla.

Wasiir Xaashi oo arrimahaa ka hadlayayna  waxaa  uu yidhi, “Waxa aynu ku jirnaa marxaladii la qabyo tiri lahaa mashruucii dekeda qarankan ee Berbera, ee aynu maamulkeeda ugu wareejin lahayn shirkada DP World, innaga oo uga gol leh in la ballaadhiyo, in la weyneeyo, si ay u noqoto deked weyn oo casri ah oo la jaanqaada dekedaha mandaqadan, kowda bisha sadexaad 01/March ayaa xil wareejintu halkan ka dhici doontaa, shirkada DP World-na ay si buuxda ula wareegi doontaa maamulka dekedeena, dhamaan shaqaalhii ka shaqaynayeyna loogu wareejin doonaa, shaqaalahaa maanta dhawr iyo labaatanka sannadood ka shaqaynayey dekeda ee kala dambeeyey, sanad illaa iyo dhawr iyo labaadan sanadood dadkii ka shaqaynayey waxa u waajibtay xuquuq. Dadkaas muwaadiniinta ah ee shaqaalaha ah waxaanu ku hambalyeynaynaa qarankan hawlihii ay u soo qabteen, siday u soo doojeen, samirkii, iyo dhabar adaygii duruufihii adkaa ee ay mararka qaarkood gacmahooda wax ku wadi jireen, mid ku xamaala iyo mid wax ku qoraba, maanta sidii ay shalay ahayd maaha way soo roonaatay qalab ayey dekedu haysataa, imikana waxa aynu rabnaa inaynu ka casrinayno, dadkaasna aad ayaanu u hambalyeynaynaa.”

 

Md. Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in aanu jirin shaqeele dhimis la samaynayaa waxaanu yidhi “ Shaqaalahaas ma jiro qof shaqo waayayaa, waxay shaqaalaha dekedu ka wareegi doonaan gacantii dawladda kowda bisha, waxanay noqon doonaan shaqaale shirkad caalami ah u shaqeeya, xuquuq caalami ah leh, heshiis caalami ahna gala oo saxeexa, waxa markaa imika laga gacan siinayaa wixii ay qarankan u qabteen iyo xuquuqdii ay dawladda ku lahaayeen ayaa la siinayaa. Ma jiro qof shaqo waayayaa, meesha waxa aynu u balaadhinaynaa ee u weynaynaa inaynu shaqo helno, shaqo inaynu abuurno,  inaynu horumar abuurno ayeynu doonaynaa, waxaanu hoosta ka xariiqaynaa inaynu wax korodhsano ayeynu doonaynaa ee ma rabno inay wax inaga dhacaan, waxaanu maqlaynaa meelahaas warar laga sheegayo oo leh adeegyo halkan dekedu bixin jirtay oo la waayi doono, wax la waayayaa ma jiro wax inoo kordha mooyaane.”

 

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa geesta kale ka  hadlay dhul maalgashiga loogu talo galay oo ay Xukuumaddu diyaarisay, waxanau yidhi “ Hawsha labaad waxa weeye, sida maamulka gobolku sheegay inagoo jecel inaan u mahad-naqo sida isku duubnida, kartida iyo hufnaanta lahayd ee ay u wajaheen xilliga kala guurka, waana xiliyada ugu dhibta badan ee ugu xannuunka badan runtii waananu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu Xukuumad ahaan iyadana wadnaa in dhawaan la saxeexo heshiiskii Free Zone-Ka, waxaynu abuuraynaa Free Zone, maanta ma lihin, waa mandaqad xor ah oo warshado lagu sameeyo oo wax walba lagu soo dejiyo, oo kummanaan kambani iman karaan, maanta Dubai waxa  ka shaqeeeya Todoba kun iyo shan boqol oo kambani oo caalami ah, oo deggan, ka ugu yar waxa ka shaqeeya dhawr boqol oo qof,  markaa waxaynu u baahan nahay inaynu abuurno Free Zone, aynu shaqo ka abuurno, shaqo la’aan ayaa maanta dalkeena ka jirta. Free Zone-ku dhul badan ayuu inooga baahan yahay in aynu astayno, markaa dhul ayaa Xukuumadu u jaangoysay, dhulkiibaanu soo kormeeraynay waa dhul ku filan markaa  dhulkaa  Madaxweynaha  ayaa  wareegto ku soo saaraya wakhti dhaw oo aan fogayn, dhulkaasi maaha dhul dad muwaadiniin ahi ay leeyihiin, ama ay sheegaynayaan ama u tirsan oo ay u arki doonaan in lagu tacadiyey dhul ay leeyihiin.”

 

Ugu dambayn waxaa uu wasiirku kla hadlay dhul sayiraadi ay saarnayd oo ka mid ah dhulka Berbera oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu xayiraadii saarnayd ka qaaday isla markaana laga rabo dadkii dhulkaa lahaa ee mulkiyadaha u haystay in ay ka dhisaan dhismeyaal u qalma oo qurux badan “  Sida aynu ka wada war qabno dhulbaa xidhnaa magaalada Berbera, Madaxweyne Cigaal ILLAAHAY ha u naxariisto, Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo sadexduba dhulkaa wareegtooyin ayey ku xayireen dhulkaas waxa loo hayey dan-guud, maadaama la doonayo magaaladii in la dhiso qurux ay yeelato Madaxweynuhu wuxuu fasaxay dhulkii dadkaas muwaadiniinta ah dawlaha hoose ay siiyeen, inkasta oo Madaxweynayaal xayireen oo ay sharci ahayd, dhulkaas Madaxweynuhu wuu fasaxay guud ahaan, gaar ahaan wadada laamiga Hargeysa tagta dhinaca waqooyiga afar boqol oo mitir ayaa loo faxay dadkii muwaadiniinta ahaa ee lahaa ee sharciga u haystay, maaha kuwo cusub ayaa la siinayaa, dadkaa waxa laga doonayaa inay wax qurux badan ka dhisaan, masuuliyadaana waxa leh oo kormeeraysa dawladda hoose.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply