Shirkadda LG Oo Soo Saartay Saacad Sida Mobile Ka Loogu Hadli Karo,Kana Duwan Saacaddaha Kale

0
394

Shirkadda caanka ku ah dhanka taleefannada iyo Telefishanadda ee LG ayaa soo saartay saacad loo adeegsan karo ama loo isticmaali karo sida taleefanka Gacanta oo kale, iyada oo si fudud loogu hadli karaayo saacaddaasi.

Saacaddan ayaa lagu magcaabaa Smart Hour II, waana saacaddii labaad ee ay soo saarto una samayso sidan oo kale, iyada oo gudaheeda lagu xidhaayo qalabka lagu rakibo Smart Phones ka, waxaana dhowaan gacanta ka qaaday khubarada shirkaddaasi ee dhanka taleefannada.

Saacaddan ayaa ka duwan saacaddii hore ee Smart Hour , iyada oo kaga duwan dhanka adeegga iyo dhanka maqalka labada, waxaanu qofku si fudud dhegta u gashanaa Bluetooth qalab ah, kaas oo qofka dhegtiisa iyo saacadda isku xidhaaya ,

Umana baahna inuu qofku ku xidho saacaddaasi telefoonkiisa, sidoo kalena uma baahna in laysu furo Bluetooth ka telefoonkiisa iyo ka saacadda, waana mid aad uga duwan saacaddaha ay soo saarto shirkada Samsung oo iyadu dhowaan soo saartay saacaddo kuwan ku dhow oo daba socday saacadeheedii hore.

Waxay dhowaan shirkaddu u gudbisay guddida Federalka ee Maraykanka dhanka Technology-ga u qaabilsan Code Name ka saacaddan, iyada oo guddidaasina ansixisay , siday Dialy Mail  oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay u sheegeen khubarada saacaddani gacanta ku haysaa.

Saacadan ayaa tartan adag la geli doonta saacaddaha kale ee ay soo saartay shirkadda Sam Sung iyo shirkaddo kale oo iyaguna kuwa soo saara taleefannada ah , kuwaas oo dhowaan suuqyada soo galay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here