Afar dal oo Afrikaan ah ayaa Yuganda ka furay xarun loogu tala galay sirdoonka, halkaasoo ay ka xidhiidhin doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda fallaagada ah ee Allied Democratic Front (ADF).
ADF ayaa ku dishay tiro ku dhow 700 oo qof seddexdii sano ee la soo dhaafay waqooyiga bari ee Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo.
Xarunta oo laga furay magaalada Kasese ayaa waxaa ka hawlgali doona khubaro xagga amaanka ah oo ka kala socda dalalka Yuganda, Koongo, Tansaaniya iyo Kenya.
ADF ayaa ku billaabatay in xukunka laga tuuro madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, laakin waxay markii dambe ku dhex milantay kooxo kale oo fallaago ah, waxayna si aan kala sooc lahayn muddo 20 sano ka badan u geysten xasuuq.
Waxay markii dambe u wareegeen gudaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo, ka dib markii ay milateriga Uganda u riixeen dhinaca galbeed.