Haweenay 10 Sano Kalluun Iibinaysay Si Ay Ugu Soo Xajto Oo Ku Guuleysatay

0
315

Haweeneey 58 sano jir ah oo iibisa kalluun, ayaa mudo toban sano ah waxay ururinaysay lacagta ay ka hesho iibka kalluunka, si ay mar uun ugu safarto magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama, kadibna usoo Xajto.

Haweenaydan oo u dhalatay dalka Ugandha ayaa toban sano kadib hadda nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto xujeyda tagtay magaalada Makah, waxaanay intii Kampala

aanay ka dhoofin la hadashay saxaafadda sannadkii hore, iyadoo cabireysa dareenkeeda, waxaanay tidhi. “Ma awoodo sugitaanka inaan gaadho Maka Al-mukarama oo aan arko Qabrigii Nabiga SCWS iyo Buurta Carafo oo aan kasoo cabo Biyaha Zamzamka.”

Haweenaydaan oo 58 sanojir ah laguna magacaabo Kasifah Nankumba, ayaa u warantay wakaalada wararka ee Turkiga laga leeyahay Anadolu, ayaa sheegtay inay aad u xamaasadaysan tahay una faraxsan tahay, in toban sano kadib riyadeedii u rumowdo.

Haweenaydan oo meel yar oo ganacsi ku leh deegaan ku dhow magaalada

Kampala, isla markaasna muddo 28 sano ah ku jirtay shaqada iibinta kalluunka, ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay waxay maalin kasta Bangiga dhiganaysay lacag aad u yar, si ay mar uun usoo xajto.

Kasifah Nankumba, ayaa sanadkii 2006 waxa kusoo dhacay fikir ah inay

mar uun soo xajto, waxayna markaas bilawday inay urursato lacag.

Sheekada Haweenaydan ayaa waxay gaadhay nin Xaaji ah oo ku nool Uganda, kaasoo kaalmeeya dadka doonaya inay soo xajaan, waxaana uu lasoo sameeyay xidhiidh si uu gacan uga siiyo gudashada xajka.

Ninkan oo lagu magacaabo Xaaji Muusa, ayaa Haweenayda kula taliyay inay sii wadato ururinta lacagta, si ay usoo xajto.

Kasifah Nankumba, waxay sheegtay in todobaadkii ay ururin jirtay lacag

cadadkeedu u dhaxeeyo 4-5$.

Kasifah ayaa sanadkii 2009 waxay baadigoob u gashay nin loo sheegay inuu isna caawiyo dadka jecel inay soo xajaan.

Laba maalmood oo ay ninkaas raadinaysay, ayay heshay Gurigii uu deganaa, laakiin nasiib xumo markii ay la kulantay una sheegatay damaceeda iyo rabitaankeeda, ayuu uga cudur daartay, wuxuuna u sheegay inaanu caawin karin.

Ugu dambeyn Kassifah Nankumba, ayaa waxa u rumowday riyadeedii ay muddo ku taamaysay, waxayna sanadkii hore ka mid noqotay Xujeyda Uganda ee soo

gudaneysa waajibaadka Xajka.

 

 

Leave a Reply