Rafael: Basaasadii Shirqoolka Badneyd! qaybtii 3-aad

0
352

Sannadkii 1973-kii Rafael madax looga dhigay hawlgalkii la doonayay in lagu soo loo qabto ama lagu dilo raggii ka danbeeyay  dilkii. Waxay madax u ahayd kooxda fulinaysay hawlgalkaasi la rabay in lagu khaarajiyo Mr. Ali  Salameh oo hogaaminayay kooxdii Falastiin iyo Saaxiibkii.

Tan iyo markii bilowgii la magacaabay waxay aad u uga fikiraysa hawlgalkaasi sida ay fulin doonto sida  ay qoreen Oren iyo Kfer oo taarkhada iyo hawlgaladii Rafeal ee Mosad aad wax uga qoray.

 

Waxay aad uga welwelsanayd in mid ka mid ah kooxda oo aan waayo aragnimo badan lahayn uu fashiliyo hawlagalkeedii ugu horeeyay. Iyo iyadoon rabin in qorshaha shirqoolka dilka raggani aanu noqon mid dib u dhac ku yimaado.

Mushkuladda u weyn ee haystay ayaa ahayd in xubnaha hawlgalka la waday oo ahaa kuwo aan isu dhigmayn dhinaca aqoonta iyo waayo aragnimada ay cabsi ka qabtay in aanay wada fulin Karin hawl sidan u weyn. Markii ay gaadheen magaalada yare ee ku taallal Norway Lillehammer oo ahayd goobta hawlgalka u horeeya ay doonayeen inay ka fuliyaan kuna dilaan Cali Saleh isla markiiba waxay dhex galeen bulshada magaalada.

 

Arintaasi ayay  ula jeedeen si ay qariyaan hawlgalka ay ku jiraan. Sida xaqiiqda ahna kooxdan waxay u socdan inay dilan Cali Salmeh oo sida ay aaminsanaayeen  yihiin ku sugnaa magaaldan, kaasi oo ay kaga aargudanayeen dadkoodii la laayay. Rafael waxay ahayd qof  soo jeeda oo aad u fikiraysa waxayna aad uga shakisanayd in qofka ay doonayaan inay dilaan laga yaabo aanu ahayn Cali Samaleh.Iyadoo warbixinta uu soo gudbiyay nin hore uga tirsanaa Mosad oo shaqada ka tegay, kaasi oo sheegay inuu ku sugan yahay Lillehammer.

 

Rafael waxay ahayd gabadh dhiiran oo xirfado badan oo kala duwan lahayd, sida xirfadda ay ku shaqaynaysay ee sawirqaadaha (biographers). Waxaana qoraalo ka sameeyay Oren and Mori Kfer geesinimadeeda kuwaasi oo ay u bixiyeen “ The Life and Death of Mossad Spy “.  Sidaas darteedna waxay si taxdar leh ula socotay waxa magaaladan yar ka socda iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha la donao in la dilo…

 

Leave a Reply