Ren: Qoyska Shiinaha Ugu ballaadhan

0
314

Marar dhif ah ayaa  dunida laga helaa qoysas tarankoodu batay oo haddan xidhiidhkoodu adag yahay. Dalka Shiinaha waxa ku nool qoyska Reno o ah tan ugu balaadhan dalkaasi iyo xataa caa’iladda dunida ugu weyn.

Qoyskan ayaa isugu yimi magaalda Shishe ee dalka Shiinaha si ay ugu qabtaan munaasbadda samaynta muuqaalka geedka qoyska. Waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Ren Tuanjie oo ka mid ah xubanah qoyska. Kaasi oo sheegay in xubnaha qoyska ay gaadhayaan 2000 qof laakiin halkan ay isugu yimaadeen 500 qof.

Gudoomiyaha magaalad ayaa sheegay in geedka Ren ee maanta ay joogaan xubanah badan ee qoysku la diyaariyay laba sano iyo badh ka hor laakiin la sugayay xubnaha qoyska halkaasi oo lagu sameeyay diiwaan gelin dhamaystiran oo xubnaha qoyska Ren ah. Waxaana markii danbe sawir lagaga qaaday iyagoo safan xubanaha qoysku dayuurad aan duuliye wadain.

 

 

Leave a Reply