Xildhibaan Difaacay Heshiiska Somaliland Lagaga Hirgelinayo Saldhigga Millatari ee Imaaraadka

0
310

Hargeysa(Dawan)- Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u difaacay heshiiskii xukuumaddu la gashay dawladda Imaaraadka Carabta ee saldhiga millatari kaga samaysanayaan madaarka magaalada Berebera, taas oo labada gole ee baarlamaanku cod aqlabiyada ku meel mariyeen.

Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo qaar ka mida warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu u soo jeediyay mucaaradka in ay ka waantoobaan dacaayada iyo cadaawada ay u samaynayaan qaranka Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda saldhiga millatari ee Berbera qaar ay madax martay shakhsi nacaybku.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qoddob 38 ee dastuurku faqrada 6aad xaraf kiisa (R) waxa uu sheegayaa in uu labada gole ay u bannaan tahay in arrimahaas oo kale ay fadhi wada jira ka yeelan karaan, maaha in golayaasha heshiisyada caalamiga ah oo qudha la keeni karo, waana ka xumahay in guddoomiyaha golaha wakiiladu oo ah nin ka sharci dajinta ugu sareeya in uu ku murmo oo uu kala garan waayo wixii golayaasha la keenay ma heshiis ayuu ahaa mise wax kale ayuu ahaa, madaxweynuhuna waxa uu golayaasha hor keenay in Imaaraadka Carabtu doonayaan in ay saldhig millatari ka samaystaan magaalada Berbera, isla markaana ay doonayaan ka xukuumad ahaan in golayaasha soo hor dhigno danta Somaliland ugu jirta saldhigaas in aan isla sii eegno saldhigaas, waxa aad la socotaan sida ay uga qaylinayso Soomaaliya saldhigaas millatari ee Imaaraadka carabtu ka samaysanayo magaalada Berbera, waxa aan leeyahay cadaawada gudaheena iyo qarankan laga samaynayo aan ka waan tawno, maxaa ugu jira magaalada Berbera saldhigan? waxa ugu jira Berbera oo ay noqon doontaa Dubai oo kale,qarankani waxa uu u baahan yahay in la is garab taago oo lagu dhiirado wax yaabo farobadan waxaana aan aaminsanahay dadka wax mucaaradayaa maaha horumar diid ee waxay ka tahay shakhsi nacayb waa xanuun, intaas oo safiir ayaynu wadamada caalamka ku leenahay.”

Xildhibaanku waxa uu ku amaanay safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cawil inta mashruuc ee wadanka Imaaraadka Carabtu ka fulayay dalka, taas oo uu ku tilmaamay in safiirku ku amaanan yahay. waxaana uu yidhi. “ninka Baashe Cawil ee ah safiirka Somaliland ee wadanka Imaaraadka Carabta waa nin ka loogu hadal haynta badan yahay ee loogu aflagaadada badan yahay wuxuu ku mutaystayna waa horumarkaas uu keenay nin meel iska fadhiya cidina ma soo hadal qaado ciddina ma caydo, laakiin waxa hadal haynta keenayna waa wax qabadkiisa, muddadii yarayd ee uu Baashe Cawil xilkaa hayayna waxa uu Somaliland ka iibiyay Imaaraadka Carabta waxaana inoo yimid Fly Dubai oo ah shirkad wayn oo diyaaradaha ee soo raacda ta Itoobiya waxaana uu hormood u yahay in dekedaa Berbera la maalgashado waxa kale oo uu keenay intaas oo mashruuc oo Imaaraadku Carabtu innaga maalgaliyay ama biyo ha noqoto ama caafimaad ha noqoto ama saldhigan milatari ama waxbarasho ha noqoto intaas oo mashruuc oo kale wuu keenay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply