Astaamo Tilmaamaya in Jamhuuriyadda Somaliland Shiidal ku Duugan Yahay

0
293

Sida aynu wada ogsoonahay markii uu ilaahay SWT uu Bini-Aadamka kuu uumay dhulka korkiisa wuxuu u fududeeyay sababaha iyo hanaankii ay ku noolaan lahaayeen ama noloshoodu ugu fududaan lahayd, waxaana ugu muhiimsan sababahaas u sahlaya Bini-Aadamka noloshooda dhulka korkiisa ah inuu Eebe SWT u sakhiray dhamaan wixii ku sugan Cirka iyo Dhulka hoostiisa si ay u manaafacsadaan nimcooyinkaas, Quraanka Kariimka ahna uu Eebe ku xusay in badan.

Haddaba nimcooyiinkaas ilaahay dhulka hoostiisa ku duugay ee Bini-Aadamka loo sakhiray noloshiisana saamaynta weyn ku leh wax aka mid ah oo ugu horeeya: Shiidaalka. Shiidaalka oo waqtigan la joogo kaalinta ugu horaysa kaga jira tamarta oo si balaadhan loogu adeegsado qaybaha nolosha ee kala duwan, sida: Diyaaradaha, Gaadiidka, Maraakiibta, Injiinada tamarta dhaliya iyo wixii la halmaala.

Tan iyo intii guumastaha ingiriisku dalka ka talinayay waxa aynu ka warqabnay in dalkeena Somaliland uu jiray tuhun badan oo la xidhiidha in shiidaal ku duuganyahay, xiligaas ilaa waqti xaadirkan la joogana ay jiraan hawlo baadhitaan oo lagu sahaminyo inuu shiidaal ku jira dalka iyo inuu yahay shiidaalkaasi – hadii uu ku jiro – mid ganacsi geli kara, baadhitaanada oo qaarkood lacag aad u xadi badani ay ku baxday.

Haddaba waxa is weydiin mudan waa maxay calaamadaha ama tilmaamaha gundhiga u ah tuhunka inuu shiidaal dalkeena ku duuganyahay?

Tilmaanta u horaysa ayaa ah in dalkeena oogada dusheeda laga helay shiidaal soo duxay (Oil SEEPAGE) oo oogada sare ee dhulka soo gaadhay dadkuna ay arki karaan, shiidaalkaas soo duxay waxa lagu arkay oo lagusoo sheegay dalka goobo badan oo ka mid ah, sida: Godanka Guban, Godanka Oodweyne iyo Godinka Saraar IWM.
Shiidaalkan soo duxay ee dusha usoo baxay waxa uu tilmaan cad u yahay inuu jiro dalkeena system shiidaal oo dhamaystiran, oo ay macnaheedu tahay inuu jiro dhagax shiidaal oo ah dhagaxa shiidaalku uu ka samysmo ee hadhaaga noolaha (Organic Matter) ay ku badantahay iyo sidoo kale inuu jiro dhagax kaydiye shiidaal ah, isla markaana taasi ay marag u tahay inuu shiidal dhulka hoostiisa ku samaysmay isla markaana uu dildilaacyada lakabyada dhulka hoostiisa ah uu soo raacay oo uu sidaas kusoo duxay.

Baadhitaan kala duwan ayaa hore loo sameeyey sida: Geological Survey, Gravity Surveys iyo qoditaano ceelal lagu sahaminayo shiidaalka. Ceelalkaas la qoday ayaa waxa mid ka mid ah laga helay shiidaal oo lagasoo saaray qadar cayiman oo foostooyin ah halka ceelal kalena laga helay tilmaamo shiidaal (OIL SHOWS).
ceelka Dhagax Shabeel ayaa ah ceelka laga helay xaddi aan badneen oo shiidaal ah, halka ceelalka kale ee la qoday ee tilmaamaha shiidaalka laga helayna ay ka mid yihiin: Bandar Harshau-1, Biyo Dadar-1, Las Durah-1 iyo Zaila-1.
tilmaamaha shiidaal ee laga helay ceelashaas ayaa iyaguna kamid ah sababaha keenaya tuhunka inuu shiidal ku duuganyahay Somaliland.

Tilmaanta saddexaad ee qeexaysa in ay suuragal tahay in Somaliland laga heli karo shiidaal heer ganacsi ayaa ah isbarbardhiga lakabyada dhulka (Geology) ee Somaliland iyo dalka Yemen. Lakabyada dhulka ee Somaliland waxa ay isku mid yihiin oo aad ay isu shabahaan dhinaca samayska lakabyada dhulka ee dalka Yemen, waliba gaar ahaan goobaha shiidaalka lagasoo saaro ee dalka Yemen oo lagu qiyaaso kaydka shiidaal ee dalkaasi leeyahay  bilyano foosto oo shiidaal ah (Billions of Oil Barrels) sidoo kalena lagu rajo weynyahay in Godanada Dhulka Somalilandna laga helo shiidaal xadigaas ku dhow. Shaabahaadaas ay isa shabahaan lakabyada dhulka ee labada dal ayaa tilmaan xoogan ah oo sherkadaha sahaminta shiidaalku ay aad ugu fiirsadaan oo damac geliya gundhigna u ah tuhunka inuu shiidaal dalka ku jiro.
Khubarada cilmiga dhulka (Geologists) ayaa waxa ay tilmamaan in Milyano sanado ka hor Somaliland iyo Jaziirada Carabtu ay ahaayeen mid isku xidhan oo dhul ahaan ay ahaayeen mid keliya, kadibna uu samaysmay dilaaca Badda Cas (Red Sea) oo laba u kala jaray labada qaaradood ee Eshiya (Asia) iyo Afrika (Africa), halkaasna ay ka timid is shabahaada lakabyada dalka Yemen iyo Somaliland maadaama ay waqti hore ahaayeen dhul isku xidhan oo mid ah.

Haddaba gunaanadkii, tuhunka ah in Somaliland uu ku jiro shiidaal oo uu ku duuganyahay dhulka hoostiisa waxa keenay tilmaamo badan oo Saddexdan kor ku xusan aynu kasoo qaadanay oo aynu ka xusnay inakoo aan hoos ugu daadegin, calaamadahaasi waxay tilmaamayaan in Somaliland shiidaal ku jiro oo waliba la helay oo diyaar yahay sistam uu shiidaal ku samysmay (Petroleum System), oo si toos ah la arki karo dhagax shiidaalkii iyo dhagaxii keediyaha ahaa iyo sidoo kale dhagixii abudhaha ahaa, arimahaasi waxay inagu boorinayaan in aynu sahamin shiidaal oo balaadhan samayno si tuhunka ah inuu shiidal dalka ku jiro xaqiiqadiisa dhabta ah lasoo taabto. Haddaba Dawladdu iyadoo gudanaysana waajibkeeda qaran ayay Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu iyadoo masuuliyadeeda ay tahay ay bilowday hawsha sahaminta shiidaalka ee Blocks Ka (SL10, SL13, Oodweyne Block) si dalka  iyo shacabkuba uga faa’idaysto oo nolosha shacabka Somaliland is bedel balaadhan loogu horseedo iyadoo la adeegsanayo ilaha dabiiciga ah ee ilaahay ku duugay buqcaddan dhulka ah ee aynu ku beeranahay.

 

Mustafa Cismaan

Agaasimaha waaxda Shiidaalka  ee Wasaaradda Macdanta iyo tamarta

Petroleum Directorate

Ministry of Energy & Minerals

Republic of Somaliland

Leave a Reply