Xildhibaan ku Eedeeyay Cirro inuu ku Xadgudbay Go’aankii Labada Gole

0
286

Hargeya(Dawan)- Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamed (Cawil Dawiil) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u naqdiyay siyaasadda Guddoomiyaha golaha Wakiillada ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee uu kaga soo horjeedo saldhiga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera.

 

Xildhibaan Cawil Dawiil oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa u soo jeediyay guddoomiyaha golaha wakiillada, in uu aqbalo ansixintii labada gole ee saldhiga millatari ee madaarka Berebera, maadaama oo aqlabiyadii labada gole ee guurtida iyo wakiilada ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen saldhigaas milatari.

“Waxa aan la yaabanahay guddoomiyaha golaha wakiillada oo ah ninka saddexaad ee qaranka, maalin dhawayd oo uu ka hadlayay heshiiskan saldhiga millatari ee Berbera waxa uu yidhi ‘bidaari sibiq bay kugu gashaa’, dimuqraadiyaduna waxa ay tahay in aqlabiyada la raaco oo aan wax hadal ah laga keenin. markaa ninka leh ma raacsani aqlabiyadii labada gole wixii ay isku raaceen haddii doorashada madaxtooyadda laga helana waxa uu odhanayaa ma ogoli, waxaanan aad ula yaabay oo aan lagu aamini karin guddoomiye Cirro, Siciid Cilmi Rooble ayaa farta ugu yeedhay oo ku yidhi soo bax, Saleebaan Maxamuud Aadan joog buu ku yidhi. markaa waxa aan u soo jeedinayaa guddoomiye Ciro in uu heshiiskaa ka hadho. waayo waa lagu kala calaf qaaday, waxaana aan usoo jeedinayaa mudanayaasha golaha wakiilada in ay go’aan ka qaataan ninkan madaxweynenimada doonaya ee hadana doonaya in uu golihii haysto oo guddoomiye ka ahaado, waana in uu iska casilo xilkan uu hayo oo uu u ban baxo doorashada oo iska dhigo xilkan uu hayo, laakiin in uu lacagtii golaha wakiilada kaambayn ku galo ma habboona,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.

Md. Cawil Dawiil, waxa uu sheegay in taariikhdu qori doonta wax qabadka ay dalka ka fulisay xukuumadda madaxweyne Siilaayo, waxaana uu yidhi, “Xukuumadda hogaaminteeda waxa loo igmaday madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. waana hoggaamiyihii ururkii SNM ee ugu mudada dheeraa, waana la ogaa wixii uu qabtay markii uu ahaa wasiirkii maaliyada intan uu madaxweynaha ahaana waxa uu qabtay waa la ogyahay, nin walibana waxa uu dalka ka qabtay taariikhda ayaa qori doonta, wadadaa Ceerigaabo waxa loo dhigo ayaan jirin ba, mucaaradku waxa ay odhan jireen waa kaambayn maantana gabogabo ayay ku dhawdahay heshiis kanina kama duwana wadadaa Ceerigaabo sida loo fuliyay dhismaheeda ee ay ku qaylinayeen mucaaradku”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply