0
340

Heer kulka wadanka  Ingiriiska ayaa ka sare maray heer kulka wadanka Sucuudiga Sannadkan, waxaanu noqday markii ugu horeysay ee uu heerkaasi gaadho muddo 160 sanno ah .

Waxaanu gaadhey 20 bishan February ee aynu ku jirno derejo ahaan ilaa 16 Celsius , isaga oo ka sareeyey heer kulka wadamada Sucuudiga, magaalada Dubai iyo wadanka Greece-ga.

Khubarada cilmiga Meteorology-ga ayaa sheegay in la filaayo in ay toddobaadkan soo dhacdo dabaysha kazoo dhacda dhanka jasiiraddaha Caribbeans-ka , taas oo laga yaabo inay bedesho jawiga kulul ee wadanka toddobaadyada soo socda, iyada oo maalmahaasi noqon doonta maalmo cad ceedi jirto.

Inta badan warbaahinta wadankaasi ayaa dhacdadan qortay, iyaga oo sheegay in ay is bedeshay sannadkan cimilada wadanka Ingiriisku, wargeyska Daily Mail oo isna qormadan qoray uuna wargeyska Dawan kazoo xigtay ayaa sheegay in bishan Febraury ay ahaan jirtay bilaha ugu qabow, iyada oo gaadhi jirtay 7 degreee ilaa 1 degree ugu badnaan .

Markii uu kulaylku heerka sare gaadhey ee ugu dambaysay ayaa ahayd siday sheegaan ilaa sannadkii 1998 kii oo uu gaadhey ilaa 12 degree, laakiin uu sidan ka duwanaa, iyada oo sannado hore oo soo marayna ka duwanaayeen sannadkan.

Mr Thomas Crowther oo ah nin Saynisyahan ah sidoo kalena dhanka cimilada aad wax uga qora ayaa sheegay in ay cadahay in caalamkii sii kululaanaayo uuna kulaylkaasi fidaayo, taasina ay tahay mid aan saamaynteeda la dafiri Karin, laakiin loo baahan yahay in ka hortag lagu sameeyo saamayn intan ka badan oo timaada.

 

Leave a Reply